Khatarta Muuqata Ee Ku Soo Wajahan Jiritaanka Qaranka Somaliland

0
108

Qoraa Dr Abdiweli Suufi Jibriil

.Hargeysa(Red Sea Intelligence TV)-“Muddo-kordhin kasta oo Somaliland ka dhacdaa ma aha arrin la odhan karo waa tiro sannado iyo bilo ah, mana aha dib-u-dhac doorasho oo keli ah. ; cudur baabi’inaya macnaha muddo-xileedyada dastuurku u xadeeyey xilalka doorashada lagu yimaaddo, una oggolaanaya masuul mar la doortay inuu kursiga ku sii fadhiyo muddo ka dheer wakhtigii sharcigu siiyey. Taasina waxay si toos ah u wiiqaysaa lexe-jeclada iyo kalsoonida bulshadu ku qabto dawladnimada iyo nidaamka dimuqraadiga ee dalka.

Nabadda iyo xasilloonida Somaliland kuma dhisna awood ciidan oo xooggan, dhaqaale baaxad leh, ama aqoonsi caalami ah oo dhamaystiran. Waxa ay ku taagan tahay hanti ka qiimo badan intaa oo dhan: Kalsoonidaas waxa laf-dhabar u ah in muwaadinku aaminsan yahay in xukunka lagu yimaaddo doorasho, laguna wareejiyo cod sanduuq lagu riday. Haddaba, haddii doorashooyinku noqdaan kuwo mar kasta dib loo dhigo, muddo-xileedyaduna noqdaan kuwo si fudud la isaga kordhiyo muddaddi la doono, waxa si wayn u dhaawacmaya kasloonida siyaasadeed ee bulshadu siisay nidaamka siyaasiga ah ee dalka ka jira.

Haye yeesha maanta waxa taagan su’aal adag oo ah: “ , – ?”

Xaqiiqada kale ee jirtaa waxa weeyi in kuraasta Golaha Guurtidu ay isu bedeleen dhaxal uu waalidku uga tago ilmihiisa taas oo cambaar iyo ceeb ku ah dawladnimada casriga ah ee ku shaqaysa nidaamka dimuqraadi ah. Hadaba, mudane dhaxal ku yimid oo aan doorasho galayan isagu, sidee ayuu u yeelan karaa awood uu ku jaangooyo xaqa dastuuriga ah ee bulshadu u leedahay in ay doorato cidda metelaysa?

Su’aasha dhabta ah ee Somaliland hortaallaa ma aha: ? : ?

Madaxweynaha JSL iyo xukuumaddiisa waxa horyaalla imtixaan siyaasadeed oo culus: sidee ayay uga jawaabayaan muddo-kordhinta jabinaysa ballanqaadyadoodii farahabadnaa oo ahaa “ – ”.

Xisbiga Waddani waxa uu muddo dheer ku dhaliili jiray xukuumadihii Kulmiye muddo-kordhinta iyo dib-u-dhaca doorashooyinka. Xukuumaddii uu soo dhisay wa ay ku dhacday imtixaankaa oo waxa horyaalla arrimihii ay dhaliili jirtay markay mucaaridka ahayeen.

:
Kharta Muddo-kordhinta joogtada ahi ma keenayso qalalaase iyo xasilooni darro degdeg ah. Khatarta dhabta ee ay keenaysa waa in si tartiib ah oo aan la dareemin ay u dhimato lexo-jeclada iyo kalsoonida bulshadu ku qabto nidaamka siyaasig ah ee dalka.

Gaar ahaan da’yarta Somaliland Gen Z oo jiilka ka yar 30 sano, jiilkani waxa ay ku nool yihiin , , , .

Jiilkani waxa uu rabaa rajo siyaasadeed, isla-xisaabtan siyaasadeed, shaqo, adeegyo, hoggaaminta dalka oo la cusuboonaysiiyo, iyo nidaam ay codkooda ku arkaan inuu keenayo natiijo muuqata.

Haddii ay xoogaysato aragtida ah in kuraasta lagu sii fadhiyo muddo-kordhin, dhaxal siyaasadeed, iyo heshiisyo ay tiro koobani ku qaabayn karaan doorashooyinka, waxa ay keenaysaa in ay kala fogaadaan jiilka dhalinyarta iyo nidaamka dawladnimo, taasi oo khatar ku ah xasiloonida iyo siyaasadda dalka.

Khatarta ay xambaarsan tahay muddo-kordhintu mar aha inay doorashada dib u dhigtay 10 bilood, 17 bilood, ama 27 bilood. Khatartu waa jihada ay muddo-kordhintu u horseedayso siyaasadda dalka iyo kalsooni-darrada ay keenayso.

Qoraa Dr Abdiweli Suufi Jibriil

office email caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com