Hargeysa,(Baraarugtv.com)-“nnagaa ayaa ay innagu cusub tahay, se dunida waa wax ka jira in ururrada shaqaalaha iyo xisbiyada siyaasaddu ay iskaashi yeeshaan, bahwadaagna noqdaan.

Aad ayaa aan ugu faraxsanahay heshiiska isafgarad ee hordhaca ah ee dhex-maray Xisbiga WADDANI iyo Ururrada Shaqaalaha JSL, oo ka dhashay dedaal badan iyo baadigoob dheer oo ay ururrada shaqaaluhu ugu jireen sidii ay jiritaankooda u xaqiijin lahaayeen, xuquuqdoodana u dhacsan lahaayeen, cududdoodana u horumarin lahaayeen.
Dhammaan shaqaalaweynaha JSL waxa aannu u fidinaynnaa gogol aannu bahwadaag ku noqonaynno oo aannu ahaanaynno xisbigii shaqaalaha taageerayay ee ay hiigsanayeen kuna tiirsanayeen isla markaana baahidooda la kacaa-wadaagayay ee wax kala qabanayay.Xisbi ahaan, himilo aannu hiigsanaynno ayay ahayd in aannu horumarinno ururrada shaqaalaha, taas oo aannu kaga warrannay barnaamijkayagii siyaasadeed ee aannu dorashada ku galnay. Waxaana aannu u taagannahay curinta fikrado iyo aragtiyo cusub oo uu dalku ku horumari karo, tallaabana hore ugu qaadi karo.Haddii shalay la dhibsan jiray ururrada shaqaalaha, maanta bahwadaag ayaa aannu noqonnay iskaashi ka dhexeeyo”Ayuu yidhi Gudoomiye Xisbiga Waddani Xirsi.
office email caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com



