Xukuumadda Xisbiga Waddani Waxay Si Khaldan Uga Faa’iideysatay Khilaafka Ka Dhex-Jira Kulmiye.Ee…”Gudd.Kaah Maxamuud

0
62
Xukuumadda Xisbiga Waddani Waxay Si Khaldan Uga Faa'iideysatay Khilaafka Ka Dhex-Jira Kulmiye.Ee..."Gudd.Kaah Maxamuud
Xukuumadda Xisbiga Waddani Waxay Si Khaldan Uga Faa'iideysatay Khilaafka Ka Dhex-Jira Kulmiye.Ee..."Gudd.Kaah Maxamuud

“Xukuumadda Xisbiga Waddani Waxay Si Khaldan Uga Faa’iideysatay Khilaafka Ka Dhex-Jira Kulmiye.Ee…”Gudd.Kaah Maxamuud

Xukuumadda Xisbiga Waddani Waxay Si Khaldan Uga Faa'iideysatay Khilaafka Ka Dhex-Jira Kulmiye.Ee..."Gudd.Kaah Maxamuud
Xukuumadda Xisbiga Waddani Waxay Si Khaldan Uga Faa’iideysatay Khilaafka Ka Dhex-Jira Kulmiye.Ee…”Gudd.Kaah Maxamuud

Hargeysa,( Warbaahinta Baraarugnews)-“Saaka Golaha Guurtida JSL waxay shaaciyeen muddokordhin ku wajahan doorashooyinkii golleyaasha wakiillada iyo deegaanka, ee muddaysnaa 31 ka bisha May 2026.

Talaabadaas, oo aan u arragno mid aan u wanaagsanayn geeddi-socodka doorashooyinka Qaranku, ma ahayn mid iskeed u timi. Dib-u-dhaca doorashooyinka iyo muddokordhintuba waa maxsuul ka dhashay go’aammadii ku suntanaa is-bedbedelka ee ay muddo sannad ah qaadanayeen xukuumadda Xisbiga Waddani iyo Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, oo dhexdiisa uu ka jiro khilaaf siyaasaddeed. Habdhaqanka is-bedbedelka ku dhisan wuxuu sababay in muddo dheer xal laga gaadhi waayo murrankii nooca diiwaangelinta ee ku habboonaa doorashooyinka. Xukuumadda Xisbiga Waddani waxay si khaldan uga faa’iideysatay khilaafyadii gudaha ee xisbiyada, iyadoo soo oodday fursad kasta oo lagu gaadhi lahaa xal lagaga baaqsan karayey muddokordhintan maanta dhacday. Waxa xusid mudan, in mawqifka Xisbiga KAAH uu ahaa mid isku mid ah oo aan lahayn wax is-bedbedel ah muddadaas.

Ugu danbeyntii, ma qabo inay jirto wax eed ah oo Golaha Guurtidu ku leeyihiin arrintan, maadaama Gole ahaan loo gudbiyey soo jeeddin aan markeedii horeba ku iman talo wadareed, iyo hannaan diiwaangelin oo heshiis lagu yahay. Mawqifka Xisbiga KAAH waa in dawga ugu habboon ee loo mari karo doorashooyin xor iyo xalaal ahi uu yahay hirgelinta diiwaangelin cusub oo dhammaystiran.”Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi.

email office caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com

#Warbaahinta Baraarugnews