Ganacsatada Shiidaalka Oo Ka Adkaadey Dawladdii Somaliland &Talaabo Muujinaysa Shacab Ku Nool Meel Dawlad Ka Jirin
RSI TV Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo ugu dambayn qaadatay go’aankii ay kaalmuhu shidaalka ku kordhiyeen, iyadoo soo saartay in halkii Litir ee Baatroolka ah lagu iibiyo 12500 shilin halkii ay markii hore ku amartay in lagu iibiyo 9700 Shilin
Wasiirka Wasaaradda ganacsiga wuxuu sheegay in ay tashatay ganacsatada dalka.Isla markaana ay qiimaysay suuqyada Caalamka.
Qiimo kordhinta Wasaaradda ayaa ku soo beegmaysa xilli maanta uu hoos u dhacay qiimaha shidaalka ee suuyqada dunidu lana filayo in uu hoos u si socdo maalmaha foodda innagu soo haya.
#RSI TV



