UAE(RSI TV)-Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa si cad u diiday in xabbad-joojin lala galo Iran, iyadoo sheegtay in xal kasta oo waara uu ku xirnaan doono in si buuxda loo burburiyo kaabayaasha milateri ee Iran ay wali haysato, gaar ahaana in meesha laga saaro gantaalada, Drone-ka & xubnaha Hanjabaya.
Maalin kahor Sacuudiga ayaa si cad u qaatay isna mawqifka ah in aan laburburiyo awooda Iran, meeshana laga saaro khatar kasta oo ay Tehran leedahay, Trump ayaana sheegay in dalalka Khaliijku ay la jiraan.
Sqafiirka UAE ee Maraykanka, Yousef Al Otaiba, ayaa sheegay in xabbad-joojin keliya aysan wax ka beddeli doonin xaaladda amni ee gobolka, isla markaana loo baahan yahay in la wajaho awoodaha militari ee Iiraan, oo ay ka mid yihiin gantaallada iyo kooxaha ay taageerto.
UAE waxay sidoo kale xaqiijisay inay ka qayb qaadan doonto dadaallo lagu dib loogu furayo marinka Hormuz, oo ah halbowlaha ugu muhiimsan ee dhoofinta shidaalka caalamka.
Dhanka kale, Abu Dhabi ayaa mar kale adkaysay ballanqaadkeeda dhaqaale, iyadoo xaqiijisay maalgashi dhan $1.4 trillion oo lagu sameynayo gudaha Mareykanka, taasoo muujineysa xiriir istiraatiiji ah oo sii xoogeysanaya.



