Madaxwayne Innaad Eridid,Maxkamad-na La Soo Taago kuwa Dadkoo Dhami Og-yahay In Ay Lugaha Iyo Gacmaha-ba Wax Ku Qaataan”

0
74

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Mid baa xil loo dhiibayaa. Waxa meesha yaal wixii uu ka xadi karo gacanta ayuu marinayaa. Dabadeed suuqa ayuu gelaya oo wax uu “dayn” u bixiyay ayuu dalka ku dhacayaa. Marka uu xilka ka degona aayar oo dhalatay buu iska tegayaa. Xeerarka dalka marka la eego, waxaas dayn lama yidhaahdo ee isaga ayaa lagu leeyahay. Balse ka xilka la wareegaya oo isna boob u socda ayaa iska saxeexaya. Waa lugooyo qaran iyo tuugnimo lagu wada socdo.

Go’aanka uu maanta Madaxwaynuhu soo saaray boobkaas ayay dawo u yahay.
Waxa iyana mudan, Madaxwayne inaad eridid oo maxkamad la soo taago kuwa dalka oo dhami og yahay inay lugaha iyo gacmaha ba wax ku qaataan ee aan waxba reebayn.
Dalka yar ee faqiirka ah kuwa durba dabaqyada ka dhistay, beeraha ka iibsaday ee shirkadaha ganacsi ka furtay, uma qalmaan inay seken xil umadeed u sii hayaan. Waa dembi if iyo aakhiro.
Guuleed Dacaf
Email caarshe7@hotmail.com