Jawiga siyaasadeed kulul ee Muqdisho &Maxaa Keenay In Turkiga La Dhaleeceeyo?

0
64
Eedaymaha Mucaaradka Dalka Turkiga Maxaa Ka Run Ah!
Eedaymaha Mucaaradka Dalka Turkiga Maxaa Ka Run Ah!

Eedaymaha Mucaaradka Dalka Turkiga Maxaa Ka Run Ah!

Jawiga siyaasadeed kulul ee Muqdisho.Maxay ku eeddeeyeen Turkiga?

Eedaymaha Mucaaradka Dalka Turkiga Maxaa Ka Run Ah!
Eedaymaha Mucaaradka Dalka Turkiga Maxaa Ka Run Ah!

Muqdisho,(Baraarugtv.comJawiga siyaasadeed kulul ee Muqdisho, halkaasoo tallaabo kasta oo diblomaasiyadeed lagu qiimeeyo muraayadda qabyaaladda iyo loollanka quwadaha caalamiga ah.

sheeko cusub ayaa si xoog leh u qabsatay fagaaraha siyaasadda. Warbaahinta reer Galbeedka iyo qaar ka mid ah falanqeeyayaasha Soomaaliyeed ee u janjeedha Galbeedka ayaa si isa soo taraysa Turkiga ugu sawiraaya inuu yahay dhinac siyaasadeed oo gaar ah, iyagoo ku eedeynaya inuu ka baxay dhex-dhexaadnimadiisii si uu u taageero Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,isaga oo ka soo horjeeda mucaarad mideysan.

Isbahaysiyada mucaaradka, oo uu hormuud u yahay Madal Badbaado Qaran, ayaa sii xoojiyay eedeymahan, iyagoo Ankara ku eedeeyay inay siiso dabool milatari iyo mid siyaasadeed maamul ay ku tilmaamayaan mid sharciyaddiisu muran ka taagan tahay.

marka hadallada siyaasadeed laga gud-bo, waxaa soo baxaya xaqiiqo ka adag tan la sheegayo.xaqiiqo su’aal gelinaysa saldhigga eedeymahan. Baadhitaankani wuxuu eegayaa caddeymaha jira, wuxuu isbarbar dhigaa sheegashooyinka kala duwan, isagoo adeegsanaya heerarka saxafadeed ee xaqiijinta iyo dheellitirka.wuxuuna soo bandhigayaa sawir ka miisaan badan kan inta badan ka maqan warbaahinta reer Galbeedka.

turkigu ma bixiyo amarada hawlgalada ciidamada soomaaliya, balse Qalabka cusub iyo ciidanka cusub markasta dawlada ayuu ku wareejiyaa

Waxa Turkigu Dhab ahaan Bixiyo:-

Eedda ugu culus ee loo jeediyo Turkiga waa in ciidamada uu tababaray iyo qalabka uu bixiyay loo adeegsaday kooxo la safan mucaaradka. Sheekadan oo marar badan lagu celceliyay warbaahinta reer Galbeedka iyo qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa muujinaysa sidii in Turkigu si toos ah uga qayb qaadanayo cabbudhinta gudaha soomaaliya.

xaqiiqooyinka si dhow loo eego, sawir aad uga duwan ayaa soo baxaya.

Turkigu wuxuu tababaray ciidamada gaarka ah ee Gorgor, wuxuuna dhisay xerada TURKSOM oo ah xarunta ugu weyn ee tababarka milatari ee uu ku leeyahay dibadda. Waxa kale oo uu dowladda Soomaaliya ku wareejiyay gaadiid gaashaaman, hub fudud iyo, tan ugu muhiimsan, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Si kastaba ha ahaatee, silsiladda amarrada hawlgallada milatari gebi ahaan-ba waxay ku jirtaa gacanta Soomaaliya.

Ma jiraan taliyeyaal Turki ah oo amarro bixiya gudaha Soomaaliya.

Ma jiraan duuliyayaal Turki ah oo fuliya weerarro ka dhan ah Al-Shabaab ama bartilmaameed kale.

Turkigu ma go’aamiyo, goorta ama cidda loo adeegsanayo ciidamada iyo qalabkaas.

Arrintani ma aha fasiraad siyaasadeed; waa xaqiiqo sharci iyo hawlgal ku salaysan..

Marka qalab milatari loo wareejiyo dowlad madax-bannaan, waxaa la filayaa in dowladdu u isticmaasho si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo baahideeda amni. Turkigu se ma hayo awood uu ku joojiyo ama ku amro sida qalabkaas loo adeegsanayo.

Dowladda Soomaaliya oo keliya ayaa go’aamisa halka loo dirayo ciidamadeeda, oo ay ku jiraan kuwa Turkigu tababaray.

Masuuliyadda Dowladda Soomaaliya.

Haddii ciidamada Turkigu tababaray ay ku lug lahaayeen iska horimaadyo ka dhacay Muqdisho, sida ay mucaaradku sheegayaan, mas’uuliyadda waxa leh Dowladda Soomaaliya, ma aha Turkiga.laakiinIn Ankara lagu eedeeyo ficillada ciidamada Soomaaliyeed waxay noqonaysaa heer aan lagu dabaqin saaxiibbada kale ee Soomaaliya.

Maraykanku wuxuu tababaraa oo qalabeeyaa ciidamada Soomaaliya; ma isaga ayaa markaa masuul ka ah go’aan kasta oo hawlgal.

Midowga Yurub wuxuu maalgelin siiyaa hay’adaha amniga Soomaaliya.

ma isagaa markaa qayb ka ah doorasho kasta oo ciidan?.

In caqligan si gaar ah loogu dabaqo Turkiga waxay wax badan ka sheegaysaa danaha siyaasadeed ee eedeynayaashu leeyihiin marka loo eego hab-dhaqanka Ankara.

Turkigu wuxuu si joogto ah u sheegay in taageeradiisa milatari ay ku wajahan tahay la dagaallanka Al-Shabaab, oo ah urur argagixiso ah oo kumannaan Soomaali ah dilay, isla markaana khatar ku ah xasilloonida gobolka.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in qalabka la wareejiyay, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ay muhiim u yihiin wiiqidda awoodda Al-Shabaab.In hawlgallada la dagaallanka argagixisada lagu khaldo cabbudhin siyaasadeed waxay iska indho tiraysaa ujeeddada ugu weyn ee iskaashiga amni ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Su’aasha Sharciyeed:-Muddada Madaxweynaha iyo Sharcigii La Ilaaway

Doodda Ugu Muhiimsan ee Mucaaradka

Sheegashada mucaaradka ee ah in muddada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhammaatay 15-ka May waxay ku salaysan tahay fasiraad gaar ah oo dastuurka Soomaaliya ah.,Inkastoo dooddan ay leedahay qodobo sharciyeed oo mudan in la tixgeliyo, haddana waxay iska indho tiraysaa horumar sharci oo dambe.

Mucaaradku wuxuu ku doodayaa in muddadii afarta sano ahayd ay dhammaatay sidaas darteedna madaxweynuhu aanu sharciyad lahayn.

Qaabkan loo soo bandhigay arrinta ayaa warbaahinta reer Galbeedka qaarkood u gudbiyeen sidii xaqiiqo aan muran ku jirin, halkii ay uga soo bandhigi lahaayeen fasiraad sharci oo la isku hayo.

Sharcigii Wax Walba Beddelay!

Waxa warbixinnadan badankoodu ka gaabiyaan waa in Baarlamaanka Soomaaliya oo ay xubno badan oo mucaaradka ahi ka tirsan yihiin—uu ansixiyay sharci muddada madaxtinimada ka dhigaya shan sano.

Sharcigan waxaa markii hore soo jeediyay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Xasan Cali Khayre.

Ujeeddadiisu waxay ahayd in laga hortago qalalaase iyo power vacuum oo ka dhalan kara haddii xukunka si kedis ah u bannaanaado..Fikirku wuxuu ahaa mid sahlan oo marka la eego xaaladda Soomaaliya u muuqda mid macquul ah.

Qabashada doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ah iyadoo Soomaaliya wali la daalaa dhacayso amni-darro, kala qaybsanaan qabiil iyo daciifnimo hay’adeed waa hawl aad u adag.

Sharcigu wuxuu bixiyay qaab sharciyeed lagu ilaalinayo sii socoshada dowladda ilaa doorasho cusub la qaban karo.

Hadda, isla siyaasiyiintii taageeray sharcigan ama aan ka hor imaan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeynaaya sharci-darro maadaama uu ka faa’iidaystay.

Isbarbardhiggaasi waa mid muuqda.

Sharcigan ma ahayn hal-abuurka maamulka hadda jira; wuxuu ka yimid isla dabaqadda siyaasadeed ee maanta doonaysa inay diiddo.

In la yiraahdo muddada madaxweynuhu way dhammaatay iyadoo la iska indho tirayo kordhinta sharciyeed ma aha oo kaliya akhris xulasho ah; waa daacad-darro maskaxeed.

Ka Hortagga Power Vacuum!.

Kuwa taageeray sharcigan waxay ku doodeen, welina ku doodaan, in Soomaaliya aysan awoodin power vacuum.

Dal ay dowladda federaalku si dhib badan uga taliso Muqdisho, Al-Shabaab-na ay maamusho dhulal badan oo miyiga ah, halka dowlad-goboleedyadu mararka qaarkood u dhaqmaan sidii maamulo madax-bannaan, ka saarista degdegga ah ee madaxweyne xil haya waxay noqon kartaa albaab loo furo qalalaase.

Doorka Turkiga:-Dhexdhexaadiye, Maaha Dhinac Siyaasadeed.

Caddeymaha Dhex-dhexaadinta Ku lug lahaanshaha Turkiga ee Soomaaliya waligiis kuma koobnayn taageero milatari ama dhaqaale..

Wuxuu si joogto ah u taageeray wada hadalka siyaasadeed..

Saraakiisha sirdoonka Turkiga oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka madaxa sirdoonka Ahmet Cemalettin Çelik ayaa kulamo la yeeshay Villa Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo ay ku jiraan Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxay fududeeyeen kulamo kala duwan, soo gudbiyeen soo-jeedinno amni, waxayna ku boorriyeen dhinacyada inay si toos ah u wada hadlaan.

Kuwani ma aha ficillada dhinac si cad ula safan koox gaar ah.

Dhexdhexaadiye taageera hal dhinac ma geliyo waqti iyo dhaqaale uu kula shaqeeyo labada dhinac.

Arrinta Warbaahinta Reer Galbeedka: Maxaa La Iska Dhaafayaa?

Warbaahinta reer Galbeedka iyo qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa door weyn ka qaatay faafinta eedeymaha mucaaradka.

warbixinnadu waxay inta badan iska dhaafaan dadaallada dhexdhexaadinta ee Turkiga, kordhinta sharciyeed ee muddada madaxtinimada, iyo kala duwanaanshaha u dhexeeya tababarka Turkiga iyo amarrada hawlgallada Soomaaliya.

Marka warbixinuhu sheegaan in Turkigu “taageerayo” madaxweynaha, marar badan ma qeexaan waxa ay taageeradaasi tahay.

Ma aqoonsi diblomaasiyadeed-baa?

Ma taageero dhaqaale baa?

Ma gargaar milatari baa?

Dhaman way jiraan.waa run marka laga hadlayo Maraykanka, Boqortooyada Midowday, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Maxaa Keenay in Turkiga La Dhaleeceeyo?

Turkiga waxaa loo dhaleeceeyaa dhowr sababood oo is biirsaday. Midda koowaad waa kororka weyn ee saameynta Ankara ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, taas oo qaar ka mid ah jilayaasha gobolka iyo reer Galbeedka u arkaan isbeddel ku yimid dheelitirkii awoodda Geeska Afrika.

Midda labaad waa in Turkiga si dhw ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo mucaaradku u fasirto taageero siyaasadeed oo toos ah, inkastoo Ankara ay ku dooddo in ay la macaamilayso hay’adaha rasmiga ah ee dalka.

Midda saddexaad waa warbixinno iyo eedeymo siyaasadeed oo ku saabsan isticmaalka ciidamada iyo qalabka Turkiga tababaray, kuwaas oo mararka qaar loo fasirto in Turkigu si toos ah ugu lug leeyahay arrimaha gudaha Soomaaliya, inkastoo caddeyn rasmi ah oo arrintaas taageerta aan si buuxda loo helin.

Ugu dambayntii, tartanka juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika ayaa ka dhigaya in saameynta Turkiga si gaar ah loo fiiro, maadaama uu noqday ciyaaryahan si degdeg ah u koraya oo beddelaya saameyntii dhaqameed ee quwadihii hore ee jiray dunida.

Waxa qoray Wariye Cabdifataax Ismaaciil caarshe oo ah saxafi iyo falanqeeye ama ka faallooda siyaasadda Geeska Afrika iyo xiriirrada caalamiga ah.

email caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com