
Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland, Mudane Cabdo Axmed Aayar,ayaa u soo jeediyey dhamaan masuuliyiinta xilalka ka haya ha,yaddaha kala duwan ee dawladda Somaliland “Wareegtada Madaxweynaha Waa Sharci, Qofkii ka leexdana Sharciga ayaa Qaban doona”Ayuu YidhiCabdoo Aayar.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland, Mudane Cabdo Axmed Aayar, ayaa sheegay in wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ay tahay mid sharci ah oo waajib ku ah dhammaan hay’adaha ay khusayso.
Waxa uu xusay in wareegtadaasi ay qusayso dawladda dhexe, dawladaha hoose, hay’adaha madaxa bannaan iyo hay’adaha caalamiga ah, isla markaana ciddii ku dhaqmi weyda sharcigu la xisaabtami doono.
Waxaanu yidhi. “Wareegtada Madaxwenyanaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, soo saarey waa sharci, waana masuuliyad cidkasta oo ay waraaqdaasi u tagto siday tahay ufuliso.
Waxaan rajeynaya in la dhaqangeliyo, lagu shaqeeyo, haday dawladda dhexe tahay, dawladda hoose, hay’addaha madaxa bannaan, SDF, Baanka Adduunka, ADP, GIZ, Wareegtada madaxweynuhu wey dhaqangashey ciddii ku dhaqmi weydana sharciga ayaa qaban doona”


