Iiran,(Baraarugtv.com)-Heshiiska is-afgaradka ah ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan ilaa xad wuxuu u muuqdaa mid dan u ah Iiraan, isla markaana jahawareer gelinaya qorshayaasha Israa’iil. Sidoo kalena waxaa loo arkaa guul siyaasadeed oo u soo hoyatay Pakistan, Turkiga iyo dalalka Khaliijka.


Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in si taxaddar la caddeeyo, maadaama uu yahay keliya heehiis is-afgarad ah oo aan ahayn heshiis kama dambays ah.
Wuxuu soconayaa muddo 60 maalmood ah, waxaana lagu kordhin karaa hal mar oo kale ilaa 120 maalmood.Mudadaas ayaa ah mid aad u xasaasi ah siyaasiyan, maadaama ay ku soo beegmayso xilli doorasho adag ay ku soo fooleedahay Mareykanka iyo Israa’iil, taasoo ka dhigi karta xaaladda mid si degdeg ah isu beddeli karta.Laakiin ma jiraan waxyaabo muujinaya heshiiskan inaan loo qaadan dagaalka inuu dhammaaday?Sidoo kale aragtidayda , waa wax aan laga tagi karin heshiiska ama is-afgaradka u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka inuusan muddo dheer sii jiri doonin.
Maxaa sabab u ah? Dagaalkan markii hore waxaa si weyn loogu saleeyay aragtiyo iyo qiyaaso ay Israa’iil u gudbisay Mareykanka.
Waxaa la sheegay in Netanyahu uu Trump ka dhaadhiciyay sawir aad u rajo badan oo ay ku jireen:-In nidaamka Iiraan uu burburi doono.
•In Iiraan loo beddeli karo dal saaxiib la ah Mareykanka.
•In khariidadda siyaasadeed ee Bariga Dhexe si weyn isu beddeli doonto.
Waxaa mudan in la xusuusto hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga uu sheegay ka hor dagaalka markii uu yiri:
“Duqeymaha cirka keliya ma ridi karaan nidaamka Iiraan.”
Wuxuu arrintaas u sheegay si kalsooni leh, maadaama hadalkiisu ku salaysnaa qiimeyn sirdoon iyo xog ururin.
Markii dambe Trump wuxuu arkay in duqeymihii iyo cadaadisyadii la saaray Iiraan aysan keenin natiijadii la filayay.
Waxaa u muuqata inuu gaaray gunaanad ah:
“Haddii xal militari shaqeyn waayo, waxaa wanaagsan in dhinac walba wax tanaasul ah sameeyo si heshiis loo gaaro.”
Inkastoo Netanyahu uusan si toos ah u weerarin Trump, haddana ficillada Israa’iil tan iyo markii lagu dhawaaqay is-afgaradkan waxay muujinayaan in ay jiraan dadaallo lagu carqaladeynayo.
Markan, dagaalka ugu weyn wuxuu ka socdaa gudaha Mareykanka.
Waxaa soo baxay siyaasiyiin, warbaahin iyo kooxo cadaadis dhalin kara oo si adag u weeraraya Trump.
Waxa xiiso leh in qaar badan oo dadkaas ka mid ah ay hore u ahaayeen taageerayaal buuxa oo Trump ah, balse maanta waxay si lama filaan ah u bilaabeen cambaareyn adag.
Sababta ay sidaas u sameynayaan, sida ay dadka qaar aaminsan yihiin, waa inay rabaan in Trump lagu cadaadiyo gudaha siyaasadda Mareykanka si uu uga laabto heshiiska.
Trump toddobaadyadii u dambeeyay wuxuu qaaday mowqif aan muddo dheer laga maqal madaxweyne Mareykan ah.
Markii uu ka hadlay weerarrada Israa’iil ee Lubnaan iyo bartilmaameedyada lagu sheegay Xisbullah, wuxuu si cad u sheegay:
“Ma habboona in dhismooyin la dumiyo si hal qof loo dilo.”
Wuxuu xusay in dadka ku nool dhismayaashaas aysan dhammaantood ka tirsanayn Xisbullah.
Hadallada noocaas ah waxay aad uga duwan yihiin hadalladii ay madax badan oo Mareykan ah hore u jeedin jireen.
Xitaa Joe Biden dabayaaqadii 2023 wuxuu sheegay in Israa’iil ay fulisay duqeymo aan kala sooc lahayn.
Taasi waxay sababtay in dad badan ay dood ka keenaan habka ay Israa’iil u maareyneyso dagaallada.
Trump wuxuu xitaa ka sii gudbay arrintaas markii uu soo jeediyay in lala hadlo Xisbullah si xal loo helo.
Arrimahaas oo dhan waxay walaac weyn ku abuureen Israa’iil.
Warbaahinta Israa’iil ayaa xitaa sheegtay in Israa’iil ay Mareykanka ka codsatay dammaanad gaar ah oo la xiriirta heshiiska, balse aan la siin.
Qaar ayaa laga yaabaa inay yiraahdaan waxa socda waa riwaayad siyaasadeed.
Laakiin dadka xusuusta leh waxay dib ugu noqon karaan sannadkii 2024.
Markii maamulka Biden uu cadaadis saaray Israa’iil oo uu taageeray xabbad-joojin, waxaa markiiba dhacay weerarro cusub oo gobolka ka sii huriyay xiisadda.
Taariikhdu mararka qaar waxay u muuqataa inay dib isu celinayso.
Farqiga keliya ayaa ah in maanta Trump uu wajahayo cadaadis la mid ah kii Biden wajahay.
Ninka safaaradda Mareykanka u raray Qudus, taageerayna tallaabooyin badan oo Israa’iil dan u arkaysay, ayaa maanta wajahaya isla warbaahintii iyo isla kooxihii cadaadiska saarayay hoggaamiyeyaashii ka horreeyay.
Khatarta ugu weyn hadda ma aha Iiraan.
Khatarta ugu weyn waa dagaalka siyaasadeed ee gudaha Mareykanka.
Warbaahinta qaar ayaa durba bilaabay inay heshiiskan ku tilmaamaan guul ay gaartay Iiraan iyo guuldarro soo gaartay Trump.
Ujeeddaduna waa in lagu qasbo inuu dib uga laabto.
Ma jiro qof og in heshiiskani sii jiri doono iyo in kale.
Trump waxaa lagu yaqaannaa inuu mararka qaar si degdeg ah u beddelo go’aamadiisa.
Sidoo kale, mashiinka siyaasadeed iyo warbaahineed ee ka shaqeeya danaha Israa’iil wuxuu hadda u muuqdaa mid si buuxda u hawlgalay.
Dhanka kale, gudaha Israa’iil lafteeda waxaa sii kordhaya dhaleeceynta.
Siyaasiyiin badan, xitaa kuwa loo arko dhexdhexaadka, waxay Netanyahu ku eedeeyeen inuu ku fashilmay inuu ka hortago heshiiskan.
Waxay ku doodaan inuusan ku guuleysan inuu Mareykanka ku qanciyo inuu weeraro kuwa dhacay ka ballaaran ku qaado Iiraan ama inuu qodobbo adag ku daro heshiiska.
Dhanka Iiraan-na waxaa jira kooxo adag oo heshiiskan u arka tanaasul aan la aqbali karin.
Sidaas darteed, labada dhinacba waxaa ka jira xoogag doonaya inay fashiliyaan geeddi-socodkan.
Isku darka arrimahan waxay dhalinayaan in la is waydiiyo :
Trump ma u adkeysan doonaa cadaadisyadan mise wuxuu ka laaban doonaa heshiiska si uu uga fogaado khasaaro siyaasadeed?
Jawaabta cidina ma hayso.
Laakiin waxa la hubo ayaa ah in dalal badan oo Bariga Dhexe ku yaal ay dadaal weyn geliyeen sidii heshiiskan loo gaari lahaa.
Waxa kale oo la hubo in gobolka uu aad ugu baahan yahay xasillooni iyo degganaansho halkii uu ka sii geli lahaa dagaallo cusub.
Ugu dambayn, waxa ay dad badan rajeynayaan ma aha guusha hal dhinac ama guuldarrada dhinac kale, balse waa in Bariga Dhexe uu ka gudbo dagaallada soo noqnoqday oo uu helo nabad iyo xasillooni muddo dheer waarta.


