Waa Tuma Ubax Maxamed Ee Maanta Safiirka Buuxa U Magacaabay Raysal,wasaaraha Itoobiya?

0
20

Waa Tuma Ubax?

baraarugtv.com-Ubax Maxamed Xuseen Giire, ayaa kamid ah safiirada buuxa ee maanta la magacaabay. Waa hooyo ka soo jeeda gobalka Faafan.
Waxay horey u soo martay Agaasin xafiiska Caddaalada DDS ah, wasiir Caddaaladda DDS ah iyo wasiir maalgalinta ah.

Dhanka Federalka waxay soo martay Kuxigenka Wasaaradda Haweenka, komishinka xuquuqul insaanka, iyo wasiirka is-gaadhsiinta iyo Teknolajiyada Itoobiya. Safiirka Midawga Yurub Itoobiya u fadhiyay ayay soo qabatay oo u dembeeyay.

Ubax, waa qof ehlu diin ah. WAraysiyada ay siiso warbaahinta Dowladda Itoobiya, gaar ahaan midkii u dembeeyay ee ETV ayay aad uga hadashay muhiimada ay leedahay in Alle lagu xidhnaado. Waxay marar badan sheegta in Alle ka cabsiga iyo adeecida waalidku ay tahay furaha guusheda.

Dumarka waxay usoo jeedisa in ay cibaadada ka hormariyaan wax-kasta. Dhanka kale waa dhal halgamaa oo waxay ka soo jeeda qoys caan ah.