Baraarugtv com-” , .**
Qoraa Cabdiraxmaan Cadami ayaa walaac ka muujiyey hawlaha shirkadaha ganacsi ee laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaas oo ka hawlgala Somaliland, isaga oo xukuumadda ugu baaqay inay si gaar ah ula socoto dhaqdhaqaaqooda, rukhsadahooda iyo nooca ganacsi ee ay dalka ka wadaan.Cabdiraxmaan Cadami, oo arrintan kaga hadlay qoraal uu soo saaray, ayaa sheegay in Shiinuhu yahay dal awood weyn ku leh siyaasadda caalamka, isla markaana uu si adag uga soo horjeedo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan.
Waxa uu xusay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Shiinuhu uu salka ku hayo xidhiidhka Somaliland la leedahay Taiwan, taas oo dawladda Shiinuhu u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.
Qoraagu waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay in dawladda Shiinuhu ay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale siiso dhinacyo uu ku tilmaamay kuwo ka soo horjeeda madaxbannaanida iyo xasilloonida Somaliland, isaga oo tusaale u soo qaatay xidhiidhka Shiinaha la leeyahay dhinacyada siyaasadeed ee ka hawlgala Laascaanood iyo xubno ka soo horjeeda Somaliland.
Cabdiraxmaan Cadami waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay shirkadaha Shiinaha ee ka hawlgala gobolka Sanaag, isaga oo sheegay in qaarkood, sida uu tuhunsan yahay, aanay haysan rukhsado sharci ah, halka kuwo kalena aanay jirin xog ku filan oo hay’adaha dawladdu ka hayaan hawlahooda.
Waxa uu xukuumadda iyo hay’adaha amniga ugu baaqay inay sameeyaan dabagal iyo hubin rasmi ah oo lagu ogaanayo sharcinimada shirkadahaas, hawlaha ganacsi ee ay dalka ka wadaan iyo in aan hawlahooda ganacsi loo adeegsan dano kale oo aan ganacsi ahayn.
Qoraagu waxa uu carrabka ku adkeeyey in ujeeddada baaqiisu aanay ahayn in shirkadaha Shiinaha dalka laga saaro, balse ay tahay in la xaqiijiyo in shirkad kasta oo dalka ka shaqaysaa ay u hoggaansan tahay shuruucda Somaliland, isla markaana aanay waxyeello u geysan amniga iyo madaxbannaanida qaranka.
**Ugu dambayn, Cabdiraxmaan Cadami waxa uu xukuumadda ugu baaqay inaan si fudud loo eegin shirkadaha laga leeyahay dalalka ay Somaliland isku khilaafsan yihiin siyaasadda, balse mudnaan gaar ah la siiyo ilaalinta amniga, xogta qaranka iyo madaxbannaanida Somaliland.**



