Baraarugtv.com-“Waxaan ka hadlaynaa Madaxweynaha Mareykanka ee kama hadlayno madaxweyne Carabta ah ama madaxweyne Afrikaan ah ama madaxweyne Yurub ah, waxaan ka hadlaynaa madaxweyne Mareykan.”
“Hadalka Trump uu Somaliland ka yidhi iyo soo jeedintiisa ku aadan in layska badalo magaca Somaliland, waxay ka qiimo badan tahay 100 Wadan oo Carab iyo Afrikaan ah oo maanta Somaliland ictiraafa, arrintan miisaakeedana uu garanayaa qof kasta oo diblomaasiyada wax uga bilaaban yihiin.”
“Madaxweynaha Mareykanku lamid maaha Madaxweyneyaasha kale ee Adduunka, wuxuu la miisaan yahay Adduunyada kale oo dhan, oo hadii kafad la saaro madaxweynaha Mareykanka, Adduunyada kalena kafad la saaro waa isku miisaan, waxaynu ka hadlayno waa diblomaasiyad iyo arrimo adduunyo, kama hadlayno aakhiro iyo arrimo diimeed.”Waxaa sidaasi yidhi, Professor Cabdi Cali Jaamac oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga Jaamicadaha Somaliland.
email caarsh7@hotmail com or baraarugnews@gmail.com



