Muxuu Daarnaa Shirkii Maanta Ka Dhacay Xarunta Wasaarada Somaliland

0
4

–
Baraarugtv.com–Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, . , ayaa guddoomiyey kulanka saddex-biloodlaha ah ee Wasaaradda Maaliyadda iyo isku-duwayaasha mashaariicda uu maalgeliyo Bangiga Adduunka, kaas oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka socday Bangiga Adduunka, masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo isku-duwayaasha mashaariicda kala duwan ee uu Bangigu maalgeliyo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista horumarka laga sameeyey hirgelinta mashaariicda, qiimaynta waxqabadkii muddadii saddexda bilood ahayd ee la soo dhaafay, iyo dabagalka hawlaha qorshaysan si loo xaqiijiyo in mashaariicdu u socdaan si waafaqsan qorshayaashooda iyo ujeeddooyinkii loo dejiyey.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyey xaaladda hawlaha socda, natiijooyinka la gaadhay, caqabadaha jira iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si loo dardargeliyo hirgelinta mashaariicda. Waxa kale oo muhiimad la siiyey xoojinta wada-shaqaynta iyo isku-duwidda u dhexaysa Wasaaradda Maaliyadda, kooxaha fulinta mashaariicda iyo Bangiga Adduunka.

Kulamadan saddex-biloodlaha ah ayaa qayb muhiim ah ka ah hannaanka dabagalka iyo qiimaynta waxqabadka mashaariicda horumarineed, iyaga oo gacan ka geysta kor u qaadista hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo wax-ku-oolnimada fulinta hawlaha la qorsheeyey.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ayaa sii wada xoojinta wada-shaqaynta ay la leedahay Bangiga Adduunka iyo hay’adaha kale ee horumarinta, si loo dardargeliyo mashaariicda, kor loogu qaado tayada fulinta, loona xaqiijiyo natiijooyin wax-ku-ool ah oo taageera horumarinta maamulka maaliyadda guud iyo koboca dhaqaalaha Somaliland.