Baraarugtv.com-#Waxaa soo socda horumarro laga yaabo inay muhiimad weyn u yeeshaan aqoonsiga Somaliland. In Trump uu xitaa arrintan ku soo hadal qaado isu-soo-bax olole siyaasadeed waa arrin mudan in fiiro gaar ah loo yeesho.
Qaar ayaa odhan doona: “Waa hadal uun.” Laakiin waxaan xusuustaa in sidaas oo kale loo yidhi markii Trump uu Aqalka Cad kaga dhawaaqay qorshaha Guddiga Nabadda, isaga oo yidhi: “Waxaan la wareegi doonnaa Gaza.”
Eray kasta oo uu Madaxweyne ku hadlaa waxa uu noqon karaa qayb ka mid ah jihaynta siyaasaddiisa. Marka Trump hadlo, hadalkiisu waxa uu inta badan qayb ka noqon karaa geeddi-socodka lagu tijaabinayo sida dadweynuhu uga falceliyaan fikradaha, laguna qiimaynayo sida loo waafajin karo farriimaha siyaasadeed.
- Ma hubo goorta aqoonsigu dhici karo, balse waxa aynu aragnay tallaabooyin is xigxigay oo ay ka mid yihiin aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, taageerada diblomaasiyadeed ee dawladda Israa’iil u muujisay madax-bannaanida Somaliland, iyo baaqii Senator-ka Maraykanka ee tedcruz ee uu Aqalka Cad ugu baaqay inuu aqoonsado Somaliland.”Ayuu yidhiDaniel Sorek


