kooxda TPLF Ee Tigrega Oo Dagaal Dhex-marey Ciidanka Ethiopia Oo Ka Qabsadey Goobo Cusub Abiyi Ahmed

0
96

Baraarugtv.com-Dalka Ethiopia ayaa galay marxalad dagaal oo cusub waxana Waqooyiga dalkaa ka taagan xiisad u dhaxaysa ciidanka Federaalka iyo kooxda TPLF ee Tigrega. Ciidanka dawladda ayaa ku dhawaaqay in ay ka bexeen goobo ku yaalla gobolka Tigree iyada oo kooxda TPLF qabsatay garoomada magaalooyinka Axum, Shire iyo Mekelle oo dhammaantoodba ka tirsan gobolka Tirgee.Dagaalka ayaa sidoo kale ku soo fiday deegaannada Amxaarada iyo Canfarta oo ka mid ah deegaannada ugu magaca dheer Itoobiya. Xog ay baahisay DW oo laga lee yahay dalka Jarmalka ayaa sheegaysa in labada dhinac uu mid waliba dedaal ugu jiro in guul ka keeno dagaalka.

Adeegga Internet-ka ayaa gebi ahaanba ka maqan gobolka Tigre, waxana la joojiyey duulimaadkii diyaaraddda Ethiopian Airline ee gobolkaas.

Xiisaddan cusub ee ka qaraxday Ethiopia waxa ay ku soo beegmaysaa xilli is beddelo ka dhaceen Ethiopia iyo Geeska Afrika sida in cuna qabtayntii laga qaaday Eritrea, in ay midoobeen toddobada jabhadood oo ka hor yimi xukunka Abiy Ahmed iyaga oo doonaya in ay talada la wareegaan. Sidoo kale dagaalkan ayaa bilaabmayaa wakhti doorasho dalkaas dhawaan laga qabtay isla markaana aan la soo dhisin dawladdii cusbayd ee dalka hoggaamin lahayd.

Ethiopia waxa ay dagaalkan ku eedaysay dawladdaha Sudan, Masar iyo Eritrea oo ay sheegtay in ay soo hubaynayaan kooxaha diiddan xukunka raysal wasaare Abiy Ahmed. Nolosha ayaa si caadi ah u socota deegaannada kale ee colaaddu aanay saamayn sida deegaanka Soomaalida.