
Baraarugtv. com- Dowladda Itoobiya ayaa si cad ugu eedaysay dalalka, Masar, Eratariya iyo Suudaan inay riixayaan, taageerayaana isbahaysi cusub ee hubeysan ee dhan ah dowladda federaalka Itoobiya.Taliyaha Guud ee Ciidamada dalkaas Birhanu Jula ayaa sheegay in caqabadaha amni ee Itoobiya ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo ay wadaan waxa uu ku tilmaamay “cadowgii taariikhiga ah iyo kuwa casriga ah” ee Itoobiya.Wuxuu si gaar ah u sheegay in Eritrea, oo uu ugu yeeray “Shaebia”, ay dhex-dhexaadiso quwado dibadeed iyo kooxaha hubeysan ee gudaha Itoobiya, isaga oo ku andacooday in TPLF iyo Eritrea aysan kaligood awood u lahayn inay wajahaan dowladda federaalka, haddii aysan Sudan, Masar iyo quwado ka baxsan taageerin.


