Hogaamiyaha Eritrea oo la sheegay inay soo jeedisay in ciidamada nabad ilaalinta la geeyo xuduudda Itoobiya

0
19

Eritrea oo la sheegay inay soo jeedisay in ciidamada nabad ilaalinta la geeyo xuduudda Itoobiya

Baraarugtv.com-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Eritrea ay soo jeedisay in ciidamada nabad ilaalinta la geeyo xuduudda ay la wadaagto Itoobiya, xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira xiisadda labada dal.

Sida wararku sheegayaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalax, iyo Yemane Gebreab ayaa maalmo ka hor u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Booqashadan ayaa la sheegay inay la xiriirto dadaallada lagu dhimayo xiisadda labada dal.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Eritrea ay Kenya ku dhiirrigelinayso inay door ka qaadato dhexdhexaadinta wada-hadallada Itoobiya iyo Eritrea, si loo yareeyo xiisadda loogana hortago inay xaaladdu sii xumaato.

Dhanka kale, weli ma jiro jawaab rasmi ah oo cad oo ka soo baxday dowladda Itoobiya oo ku saabsan soo jeedinta la sheegay inay Eritrea ka gudbisay in ciidamada nabad ilaalinta la geeyo xuduudda labada dal.