Baraarugtv.com-#Itoobiya ayaa 48 saac ah u qabatay inuu Addis Ababa uga baxo diblomaasi Masaari ah oo ka howlgallayay safaaradda Masar ee ku taal Addis Ababa, waxaana loo aqoonsaday; ‘persona non grata’,taas oo micnaheedu yahay in Itoobiya aysan mar dambe aqbalayn inuu dalka ku sii sugnaado isagoo diblomaasi ah,sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.Lama sheegin, sababta ay dawladda Itoobiya u qaadatay go’aanka ka dhanka ah diblomaasiga Masaariga ah oo cayrintiisa ay ku soo aaday xilli Itoobiya ay ka cayrisay Addis Ababa 10 diblomaasi oo u dhashay Eritrea, tallaabadaa oo Eritrea ay uga jawaabtay inay jartay dhammaan xiriirradii diblomaasi ee Itoobiya. Waxay u muuqataa gobolka Geeska Afrika, inuu isku diyaarinayo xaalad ka gudubtay isbeddel oo muujinaysa in wax walba ay sare mareen oo ay ka gudbayaan xaalad af ka hadal ah, iyadoo laga digayo kororka xiisadan, xilli Itoobiya ay ku eedeynayso Eritrea oo ay weheliyaan xulafadeeda Masar iyo Suudaan inay gudaha Itoobiya ka dhalinayaan dagaal lagu doonayo in xukunka looga tuuro Abiy Axmed.



