Baraarugtv com–
Fadhigii 73-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.
Golaha Wasiirrada JSL waxa ay Fadhigii 73-aad ku lafa-gureen xaaladaha Amni, Ganacsiga iyo Waxbarashada dalka, iyada oo warbixinno muhiim ah laga dhegaystay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Ganacsiga iyo Dalxiiska, iyo Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska.
. :
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa Golaha la wadaagay xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo sheegay in guud ahaan dalka ay ka jirto xasillooni iyo amni sugan.
Wasiirku waxa uu sheegay in shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay deegaanno ka mid ah Gobollada Awdal iyo Selel ay haatan soo afjarmayaan, isla markaana deegaannadaasi ay ka jirto nabad iyo xasillooni. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu faahfaahiyey dedaallada ay Xukuumaddu hormuudka ka tahay ee lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha, dib-u-heshiisiinta iyo is-afgaradka bulshada ku dhaqan deegaannadaasi.
Wasiirku waxa uu si adag u adkeeyey in deegaannadii ay shaqaaqooyinku ka dhaceen aan gebi ahaanba loo oggolayn qof shacab ah ama koox ah oo aan ka tirsanayn Hay’adaha Amniga in ay sidato hub, nooc kasta oo uu yahayba.
Waxa kale oo uu xusay in Ciidamada Amnigu amar ku qabaan in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo arrintaas ku xad-gudubta, isla markaana ay hubka kala wareegaan.
.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin ku saabsan korodhka qiimaha shidaalka iyo saamaynta uu ku yeeshay nolosha bulshada, sicirka maciishadda iyo sarrifka Shillinka Somaliland.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in dalka uu soo gaadhay shidaal badan oo batrool ah, halka naaftaduna ay soo socoto, taasi oo wax weyn ka beddeli doonta korodhka qiimaha shidaalka iyo xasillinta sicirka suuqa shidaalka.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay tallaabooyinka ay Wasaaraddu waddo, oo ay ka mid yihiin la socodka suuqyada, wada-shaqaynta ganacsatada shidaalka, hubinta helitaanka shidaalka iyo ka hortagga korodhka aan salka ku hayn xaaladda dhabta ah ee suuqa.
Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto xasilinta suuqa, ilaalinta awoodda wax-iibsiga bulshada iyo yaraynta culayska dhaqaale ee ka dhasha isbeddellada qiimaha shidaalka.
. -:
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Mudane Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa Golaha uga xog-warramay soo saarista natiijada Imtixaannada Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Dugsiyada Sare ee sannadka 2026-ka, kuwaas oo si rasmi ah loo shaaciyey 25/08/2026-ka.
Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay hab-socodkii imtixaannada, sixitaanka, hubinta iyo soo-saarista natiijooyinka, isaga oo xusay dedaallada ay geliyeen Xafiiska Imtixaannada Qaranka iyo Wasaaradda Waxbarashadu, si loo xaqiijiyo in natiijooyinka Imtixaannadu ay noqdaan kuwo ku dhisan hufnaan, caddaalad iyo eex-la’aan.
(),


