kacdoon

0
10

Baraarugrv.com-Shacabka ku dhaqan Caasimada Somaliland Hargeysw iyo deegaanada kala duwan ee boladda Dalka,ayaa qarka u saaran qul-qulatooyin iyo mudaharaadyo ku kaca Madaxweynaha talada dalka haya Cabdiraxmaan Cirro,t
Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku guull-darraysatay inay wax ka qabato sicir-bararka iyo maceeshada oo heerkii ugu sarreeyey maraysa Abid Jamhuuriyadda Somaliland.

Tusaale, Qiimaha shiidaalku wuxuu halkii Litir suuqda Somaliland Uu Ka Marayaa 14-000 oo ShSl Ah, Sidoo Kale Raashinka iyo badeecadaha quutal-daruuriga ah ayaa si joogto ah u kacaya maallinba maallinta ka danbeeysa halka shacabka danyarta ahi ay la tacaalayaan culayska nolosha ee soo foodsaaray oo ay sababeen kor-u kaca quutal-daruurigii ay ku noolaayeen taasoo ay xukuummadda Xisbiga Waddani Ay kaga mashquushay waxaan shaqadoodii ahayn iyo inay cabudhiyaan muwaadinninta Reer Somaliland.

Haddaba Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxay u baahan yihiin tallaabooyin dhab ah oo Wax ka Bedela Noloshooda Iyo Xal Waara oo Xukuummadda Xisbiga Waddani Ay Wax Kaga Qabato Qaalliyoowga Maceeshadda Quutall-daruuriga Ah Ee Qaaligeedu Xadhkaha Goosteen, Ee uma baahna ballanqaadyo keliya oo afka baarkiisa Ah.

Maxamed Cabdiqaadir Jaamac Xaamud.
Xubbin Ka Mid Ah Golaha Dhexe Ee Xisbiga Miidnnimadda Iyo Horrumartinta Jamhuuriyadda Somaliland Ee KULMIYE.