Cadeymaha Musuq-maasuq xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro

0
2

Baraarugtv.com-Baadhitaan hanti-dhawr oo ballaadhan oo Khamiistii laga sameeyay Waaxda Bixinta Liisamadda iyo Diiwaangelinta Gaadiidka ayaa daaha ka rogay shabakad xatooyo iyo musuqmaasuq oo aad u xididaysatay, taas oo bannaanka soo dhigtay ku tagrifal awoodeed oo la yaab leh oo uu qayb ka yahay Agaasimaha Waaxdu.

Isla markiiba hantidhawrku waxay xidheen laba shaqaale oo ka tirsan xafiiska diiwaangelinta gaadiidka, kuwaas oo lacagihii muwaadiniinta jeebka ku shubtay isla markaana la kaashaday sarkaal foojariiste ah oo maaliyadda ka tirsan si ay u sameeyaan rasiidho (warqado lacag-qabasho) been abuur ah xilliyo qarsoodi ah oo shaqada ka baxsan.
Culeyska ugu weyn iyo mas’uuliyadda fashilkan hay’adeed waxay si toos ah dusha uga dhacaysaa Agaasimaha waaxdda oo si badheedh ah u meel-mariyay una socodsiiyay waraaqihii been abuurka ahaa si uu u indho-tiro nidaamka dabagalka hantida, isaga oo ka qayb qaatay lunsiga lacagihii loogu talagalay inay ku dhacaan qasnada dawlada, isla markaana si ula kac ah u abuuray nidaam isla-xisaabtan la’aan ah, isagoo xafiiskii muhiimka ahaa ee u adeegayay bulshada u rogay shabakad dambiilayaal ah oo dantooda gaarka ah uun u shaqaysata.

Waxaana wali lagu dabba joogaa agaasimaha waaxdda oo lacago badan oo musuq ah akoonnadiisa dhex mareen muddadii uu xilka hayay, kuwaas oo qaar badan oo kamid ahna shaqaaluhu u direen.