Ma Ka Bad-baadi Doonaa Mustafe Cagjar Dagaalka Hor-kacayso Beesha Dhulbahante Ka Bilaabeen Kilalka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya?

0
9

Itoobiya(Baraarugtv.com)-Deegaanka Abeesaale, oo ka tirsan kilalka shanaad ee dawlad-deegaanka Isaamulka Soomaalida Itoobiya,ayaa la sheegay in beesha Dhulbahante baraago iyo magaalayn ka bilaabeen dhul xooluhu daqaan oo lagu magacaabo Abeesaale,iyadoo la sheegay in deegaankan ay degto beesha Maxaxed Abokor oo ka mid ah beelaha Habarjeclo.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in halkaa ka dhacday is rasaasayn kooban oo dhexmartay labo Ciidan beeleed ka soo jeeda bulshada xoolo dhaqatada labada beelood ee degan halkaa.balse waxa la sheegay in wax khasaare ah halkaas ka dhicin oo la joojiyey.
khadka telifoonka gacanta oo Qaar ka mid ah masuuliyiin Katirsan Maamulka Gobolka Doolo,degmada iyo saraakiisha Nabad-galyada dawlad deegaanka kilalka ismaqmulka soomaalida Itoobiya oo aanu la hadalnay ayaa u sheegay shabakada wararka Baraarugtv.com in dagaal toos ah Halkaasi aanu ka dhicin,laakiin israsaasayn kooban dhacday oo isku dhac-yar aheyd,ka dib la Joojiyey oo imika xaaladu degan tahey.
Sidoo kale,saraakiil ka tirsan ciidanka Niyuu-booliska ayaa u sheegay Warbaahinta Baraarugnews in saddex baraagood oo sharci daro ah goob xoolo daaqsimeed ah lagu magacaabo Abeesaale Beesha Dhulbahante qodeen baraago cusub,iyadoo dhul balaadhsi magaalooyin ah Beesha Dhulbahante wado sababtay isku dhaca keenay rasaasta labada beelood ee walaalaha ah isku-dhacooda.
Geesta kale Dowlada Madaxweynaha ka yahey Mustafe Cagjar, ayaa gaysay galinkii dambe ee Casargaabadkii Ciidamo Badan oo ka tirsan Niyuu-booliska dawlad-deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.Isla markaana waxa la sheegay in baraagihii laga qoday Abeesaale la aasay.
Hase yeeshee, muddooyinkan dambe dagaqlo ay horkacayso beesha dhulvahante oo isbaaheysi daarood-niisam ah kula jiraan dawladda Somaliland, waxa Laga cabsi qabaa in Beesha Dhulbahante dagaalka u rarto ismaqmulka dawlad-deegaanka Itoobiya,cagahana u galiyaan Madaxweynaha Mustafe Cagjar dagaal ku salaysan isir qabiil oo beelaha Isaaq ee degan deegaanka Safeeriya Itoobiya lagu laayo dadka reer-guuraaga ah,iyo dabino shirqoolna lagu laayo shaaadh CIIDAMADA Niyuubooliska dawladda kilalka Ismaamulka Soomaalida ITOOBIYA,isla markaana waxa la sheegay in halista amaaandaro ee Dhulbahante doonayo innuu quri-dab leh ku qabto xaduuda dhulka dawlad-deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya tahey qorshihii Laga soo maleegay Laascaanood arrinka maanta ka dhacey Abeesaale,Taasoo u arkaan in maamulka Firdhiye fadhigiisu yahey laascaanood cidda majiyo xaabinaysa tahey kilalka beesha Ogaadeen ee Jigjiga Itoobiya halis ku tahey Waqooyi Bari Laascaanood.
email baraarugnews@gmail.com