Baraarugtv.com-Masar ayaa uga digtay Ethiopia inay si gaar ah u maamusho qulqulka biyaha ka imaanaya biyo-xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).
Xudunta khilaafka ayaa ka soo wareegtay dhinaca dhismaha biyo-xidheenka una wareegtay maamulka.
Biyo xidheenka GERD, oo si rasmi ah loo furay sanadkii 2025-kii, ayaa ah kan ugu weyn Afrika ee korontada laga dhaliyo biyaha, isagoo leh awood dhan 5,150 MW iyo balli-biyo-xidheen qaadi kara 74 bilyan oo mitir-kubir oo biyo ah.
Masar, oo leh ciidamada ugu awoodda badan Afrika, ayaa u aragta Webiga Niilka kheyraad muhiim u ah jiritaankeeda, halka Itoobiya ay biyo-xireenka u aragto mid muhiim u ah soo-saarka korontada iyo horumarka dhaqaalaha.
Business Insider Africa

