Haween Shaqaale Ka Ah Dekedda Berbera Oo Tacadi Iyo Gumaysi-xun Ku Hayo Mareeyaha Dekedda Berbera

0
30
Haween Shaqaale Ka Ah Dekedda Berbera Oo Tacadi Iyo Gumaysi-xun Ku Hayo Mareeyaha Dekedda Berbera
Haween Shaqaale Ka Ah Dekedda Berbera Oo Tacadi Iyo Gumaysi-xun Ku Hayo Mareeyaha Dekedda Berbera

Mareeyaha Dekedda Cali Diiriye Oo Tacadi Iyo Gumaysi-xun Ku Haya Haween Ka Shaqeeya Xafiisyadda Dekedda Magaalada Berbera &Fariina U Diray Marwada Madaxweynaha Farduus

Haween Shaqaale Ka Ah Dekedda Berbera Oo Tacadi Iyo Gumaysi-xun Ku Hayo Mareeyaha Dekedda Berbera
Haween Shaqaale Ka Ah Dekedda Berbera Oo Tacadi Iyo Gumaysi-xun Ku Hayo Mareeyaha Dekedda Berbera

RSI TV-Dekedda magaalada BerberaTacadi iyo maamul-xumo baahsan ayaa ka taagan dekedda Berbera.
Mareeyaha dekedda Berbera Cali Diire(maalin Tacab),ayaa la cadeeyay innuu tacadi,dulmi iyo gumaysi xun ku hayo Haweenka shaqaalaha ka ah Dekedda magaalada Berbera.Isla markaana mareeyaha Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u magacaabey Dekedda Berbera,ayaa la sheegay innuu tacadi iyo musuq-maasuq xoogan ka jiro gudaha Dekedda Berbera.
Qaar ka mid ah haweenka ka shaqeeya Dekedda Berbera oo ka cudur-daartey in magacooda sheegno sababo la xidhiidha in shaqada Laga eryo,ayaa u sheegay wariyaha uga Soo warama warbaahinta Red Sea Intelligence TV magaalada Berbera in tacadi iyo dhibaatooyin uu ku hayo mareeyaha dekedda Berbera Cali Diiriye.”Waxaan ahey inan la shaqaysa Dekedda magaalada Berbera .waxa tacadi iyo dulmi nagu haya mareeyaha Dekedda Berbera Cali Diiriye.kaligayna maaha ee haween kale ayaa dulmiga lagu hayaa. waxaan marwada Qaranka Farduus Rooble ka codsanaynaa in dulmi yo tacadiga uu nagu hayo mareeyaha Dekedda Berbera Cali Diiriye naga qabato,oo xaalada noloshayadana hoos u eegto “Sidaa waxa tidhi mid ka. mid ah Hablaha ka shaqeeya Dekedda Berbera,kana cudur daaratey in magaceeda sheegno sababo la xidhiidha in saameyn ku yeesho warkan.

“Anigu waxaan ahey hooyo ka shaqaysa qaybta nadaafada xafiisyadda Dekedda Berbera .muddo dheer ayaan ka Soo shaqaynayey,ilaa maarayeyaashii hore oo ka mid yahey Cali Xoorxoor.ma arrag mid kan oo kale la mid ah dhaqan iyo bini,aadam ka ixtiraan-xun.Immika qoyskiisa iyo carruurtiisa maalin iyo habeen kasta wuxuu u casho geeyaa huteelada qaaliga ah,sidda Damal,Dhoolayare iyo Maansoor ayuu geeyaa gabadha uu qabo iyo ubadkeediisa.Anoo hooyo ah waxa iga xanuusadey inan-yar oo aan dhaley in aan geeyo dhakhtar Hargeysa ah.waxaan ka codsadey mareeeyaha dekedda Berbera Cali Diiriye innuu fasax I siiyo. ka dib waxaan ugu tegay xafiiskiisa.waxan ka codsadey hooyo in inan-yar aad iiga xanuunsaneyso,markab fasax I siiyo.si aan u geeyo dhakhtar Hagyeysa ah.wuxuu iigu jawaabey hadal bilaa naxariis iyo mid bini,aadan Laheyn,oo iga oohiyey.anagu ma kii xanuunka u keenay ayaan ahey.,maxaad noogu sheegaysaa.naa wax ma ku sheegaa,haddii aad shaqaysanayso oo aad imanayso shaqadaada adiga ayey ku jirtaa.naa shaqayso.haddii aad shaqaysanayso.waxaad ka hadlayso iyo fasax ka Bax ee kaaley shaqadaada haddii wax maqlayso.imikana xafiiska iiga bax.”Sidaa waxa tidhi hooyo ka mid ah shaqaalaha nadaafada Dekedda Berbera.
Geesta kale,,mmareeyaha dekedda Berbera Cali Diiriye oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino tacadiga iyo cabashada shaqaalaha haweenka ah, ayaa nasiib–daro ilaaladiisa askarta ah ayaa noo diiday, waxayna noo sheegeen in aanu ogolayn oo aaney na sii dayn-karin,haddii nasiidayaana laga eryayo shaqada.
RSI TV