Ujeedadda:-Shir Maanta Isugu Yimaqdeen Guddida Qandaraasyada Somaliland

0
5

Shirka Billaha ah ee Xubnaha Guddida Qandaraasyada Qaranka

Baraarugtv.com-Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-8-2026 waxaan kulankii billaha ahaa la yeeshay xubnaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, kaas oo ahaa kulan muhiim ah oo aan si wadajir ah ugu eegnay hawlaha shaqo iyo horumarka hay’adda.Kulanka waxa aan si qoto dheer uga wada hadalnay qorshayaasha shaqo ee Guddida, sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta xubnaha iyo sidii loo sii horumarin lahaa hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo tayada adeegyada ay hay’addu qaranka u hayso.Waxa kale oo aanu isla eegnay caqabadaha jira iyo fursadaha horumarineed, annagoo xoogga saarnay in hawl kasta loo wajaho si masuuliyad, daacadnimo iyo wadajir leh. Waxaan aaminsanahay in wada-tashiga joogtada ahi uu yahay furaha lagu gaadhi karo natiijooyin wanaagsan iyo in Guddidu si hufan uga soo baxdo waajibaadkeeda qaran.

Anigoo ka duulaya kulankii maanta, waxaan si gaar ah u bogaadinayaa xubnaha Guddida oo muujiyey dadaal, aragti iyo diyaar-garow ay ugu adeegayaan horumarinta nidaamka qandaraasyada qaranka.

Waxaan rajaynayaa in kulamadan billaha ahi ay sii xoojiyaan midnimada, wada-shaqaynta iyo isku-duubnida Guddida, isla markaana ay noqdaan madal joogto ah oo lagu qiimeeyo waxqabadka, laguna dardargeliyo qorshayaasha mustaqbalka.

Ugu dambayn, waxaan Alle ka baryayaa inuu inoo fududeeyo masuuliyadda qaran ee la inoo igmaday, isla markaana uu inagu garab galo sidii aan u gaadhi lahayn nidaam qandaraas-bixin oo hufan, caddaalad ku dhisan, isla-xisaabtan leh, kana qayb qaata horumarka Dalka.