Guddoomiyihii Hore ee SOLJA – Oo Qoraal Gar-naqsi U Badan Ugu Caqli Celiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha JSl.
Akhri: Nuxurka Qoraal Garnaqsi Ah
Oo uu Qoray Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto)Sc, Waxaan halkan ka salaanayaa dhamaan shacabka Reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan.Caawa, way kaliftay inaan u jawaabo Wasiir Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere) wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland. Waayo, marar badan buu ka hadlay Arrintaydii sida sharci-darrada ah ee awoodiisa ka baxsan uu ku doonayey innuu igu xidho.
In badan bay Dadka Reer Somaliland isoo weydiinayeen oo ay igu lahaayeen miyaa lagu Aamusiiyey, maxaad wararkii nooga daysay, laakiin, mar haddii uu gujada iga dayn waayey, waxaan ku bilaabi doonaa inaan ka jawaabo eedaha uu maalin kasta iigu soo hal-qabsado marka wax laga weydiiyo Tacadiyadda ay xukuumadda uu ka tirsan yahay ee uu Amniga u qaabilsan yahay kula kacdo shacabkeedda.
Golaha Wakiiladda guddidiisa ay wadashaqaynta leeyihiin maanta su’aalo farabadan oo xaaladda dalka ka taagan ah ayey wax ka weydiiyeen Wasiirka. Waa ilaahay mahadii shacabka Somaliland maanta sanad iyo badh gudihii inay ku ogaadeen isbedelkii ay doonayeen iyo waxa kaga soo baxay. Sidoo kale, maaha maanta maalin loogu sheekeeyo dadweynaha Somaliland wax-qabad iyo maamul wanaagii la filayey ee lagu Hungoobay.
Dad badan baa lixdii bilood ee ugu horeeyey ee aan wax ka qorayey xukuumadda igu lahaa waad ku deg degaysaaye wakhti sii, laakiin wixii aan sheegayey iyo wax ka hooseeya inay shacabka Somaliland la kulmeen waxay ahayd wax aan ugu talogalay. waayo, dhaqankeenna siyaasadeed ayaa noqday inaynaan mucaaradka iska shiilin marka ay xilka doonayaan ee ay is amaanayaan, dhaqankeenna ayaa noqday in bilowga dhibta badan leh ee ay xukuumadduhu wax jiidh jiidhayaan ee rag badani wax naawilayaan in loo kaadiyo. balse, inta aan waayo aragga u ahay labadaas dhaqan ba anigu waan ka soo horjeedaa.
Waxaan Aamusnaa muddo sanad ka badan, anigoo tixgalinayey duruufo iyo codsiyo kala duwan oo iiga imanayey dad kala duwan. Balse, illaa maalintii aan joojiyey illaa maanta wasiir Cabdalle waxa uu shaqo ka dhigtay innuu Tusaale iigu soo qaato inaan Danbiile ahay, hase yeeshee, waxaan halkan ka cadaynayaa oo aan diyaar u ahay Wasiir Cabdalle in aan sharciga ku doodno hadduu diyaar u yahay, hadduu awooda Xukuumadeed ku amar ku taaglaynayana wixii mihnada saxaafaddu I bartay ayaan kaga dhaqmayaa.
In maanta iyadoo lagu muransan yahay Xilka iyo awooda CID-da ka hadlo kiiskaygii waan soo dhaweynayaa, waxaanan Wasiir Cabdaale leeyahay haddii aad sharci ku dhaqmayso waxa aad soo bandhigtaa sida uu kuu weydiiyey Garyaqaan Guuleed Dafac awooda CID da siinaysa qof aan danbi faraha kula jirin ama waaran/saman maxkamadeed loo soo jirin ay ku xidhi karaan, waa adiga xildhibaanada su’aalaha ku weydiinaya ku canaanaya Xeerar Dadka lagu xakameeyo ma soo saartaanne.
Wasiir Cabdalle, waxa uu ku cel celiyey Xeer Saxaafaddeed maxaad u soo saari weydeen miyaanu wasiirku ogayn saxaafadda Somaliland in xeerkeeda la Ansixiyey 2003 dii oo uu dhaqan gal yahay, oo toddobaadkan aanay markii koowaad taariikhda aynaan arkayn wasaaraddii warfaafinta iyo xeer ilaalintii Qaranka oo ku dhaqankiisa isku haysta. Isla markaanna aanay xeer ilaalintii xeerka Ciqaabta la soo boodi jirtay aanay isagii miciinsan markii Wasiirka Warfaafinti Dar-jiidhay awoodii xeerkaasi siinayey.
Wasiir Cabdalle ma waanu ogayn In Taliyihii CID-da ee ugu wakhtiga dheeraa Daahir Muuse Abraar abaal marin igu siin imaanshaha CID da marka la iiga yeedho iyadoo sida Cabdalle doonayey in Taliye Cali Geeda-yare igu fuliyo amarkiisa telefoonka ahaa ee sharci-darada ahaa, kaasoo uu ka diiday aniguna aan ka Gar-naqsaday ee sidaan hore u aaminsanaa imikana aaminsanahay dsdka lagu xidhi karin sabab la’aan.
Cabdalle, miyuu Hilmaansan yahay markaan Xisbiga Wadani ka tirsanaa ee aan musharaxa ka ahaa inay isaga Xirsi, C/Qaadir jirde iyo Cali Cabdi Saa’iq ba ka markaahti kacayeen inaan ahay dadka farakutiriska ee maanta marka loo eego qabyaaladda ka fayow ee mihnaddiisa saxaafadeed na ku suntan tahay dhex dhexaadnimo iyo wanaag.
Wasiir Cabdaale, maxaa ka khaldan!!! Ee marka uu af-lagaadada Saxaafadda ku tiraabayo uu iigu soo hal-qabsadaa inaan ahay nin ciidan iyo Amni wax ka sheegay ee uu dadka u majarahabaabinayaa. Ma waxaannu Madaxweyne Cirro iyo Khadarka Madaxtooyaddu ku dhaliilin Xukuumaddii Madaxweyne Muuse Biixi baan sameeyey.
Ma laha Wasiir Cabdalle wuu mooganaa ilaa hadana wuu is moodsiinayaaa inaanay xisbi mucaarad ah soo ahayn oo waliba aanay ahayn mucaaradka kali ah ee ku suntan Qaranka waxyeeladdii soo gaadhay doorka wayn ee ay ku lahaayeen. Wasiir Cabdaale, ma waannu daawan hadaladii iyo Ficilada dhitaysan ee ay Saxaafadda Somaliland maalin iyo habeen soo bandhigto.
Madaxweyne Cirro iyo wasiir Khadar talow wasiir Cabdalle miyaanu daawan markii ay Diidanaayeen Heshiisyaddii Siilaanyo iyo Muuse Biixi la soo galeen Itoobiya iyo Imaaraadka.
Ma laha wasiir Cabdaalle markii la soo farayey Amarka xadhigayga muu arag su’aashii aan Qoray ee Taliye Cali Geeda yare I hor qabtay ee ahayd maxaynu Xulafada Berbera aad keenteen dhaafsanaynaa. Intaa miyaanay Khadar iyo Cirro hore u odhan oo aanay duubnayn. Cirro iyo Khadar ma waanay ka dardaar waran cawaaqib xumadda ka iman kartaa heshiisyadaas. Wasiir Cabdalle, Talow yuu la hadlayaa ee Damiin ah.
Haddii waxa aan qoray aanay ahayn wixii Cirro iyo Khadar shubi jireen anigaa Danbiile ah sida uu wasiir Cabdalle caadada ka dhigtaye banaanka ha is keeno oo saxaafadda horteeda ha iga doodo ama awooda uu sheeganayo ha ku dhaqmoo Maxkamadda horteeda ha ku soo bandhigo waxaa uu igu eedaynayaa haddii ay yihiin wixii Madaxweyne Cirro iyo Khadar hore uga hadleen.
Aad iyo aad baan uga xumahay innuu Wasiir Cabdalle ku faanno ciidanka Booliiska Tababaro ayaan u qabanay. Waa maxag waxan ay shacbku ka qaylyayaan haddii Wadani Dabagale iyo Khadar Laangadhe ka cabanayeen maxay faleen kuwa maanta xilalka hayaa. Cabdalle ma laa muu Diiwaangalin waxa ay Booliisku maalin walba Raali-galinta ka bixinayaan iyo waxa ay kharibayaan.
Taliye Cali-geeda yare malaa wuxuu Gayo iyo waxa uu Gallo Cabdalle ma yaqaan. Waa marka koowaade, Cali Geeda-yare waa Sarkaalka kali ah ee maanta Booliiska Somaliland ku jira ee u qalma Taliye ama wasiir Arrime gudeed, anigoon faaninayn Cabdalle ma waanu ogayn innuu yahay Mujaahid, Aqoonyahan Cilmiga Sharciga ku qaatay shahaadooyinka koowaad iyo labaad ee sharciga.
Taliye Cali Geeda-yare waa Booliiska ka faa’iidaystay Tababaradii Saxaafaddeed ee lixdii sanno ee aan SOLJA hogaaninayey aam si wadjir ah ugu qabanay Booliiska, Garsoorka, xeer ilaalinta iyo ciidamadda Amniga guud ahaantood ee wax badan yareeyey tacadiyadii saxaafadda lagula kici jiray. Cali marar badan baannu ololayaal xuquuqal insaan wadagalnay, waanna nin kala garanaya waxa Qof lagu xidhi karo iyo waxa kale.
Waxba ku dheeraan maayo Wasiir Cabdalle, Waayo, Dadka reer Somaliland way barteen waxa uu galo iyo waxa uu gudaba, waxaanna inagaga filan eedaha aannu u meel dayin ee markasta oo uu hadlo dadka Dusha ka saaro hadana uu isla markaaba ka noqdo sidii dhacdadii Guuleed Dafac oo kale.
Wasiir Cabdalle, waxa uu ii jeediyaa eedaymo is burinaya oo ay ka mid tahay tan maanta oo kale oo ah inaan wax ka sheegay ciidamo mar kale waxa uu igu eedeeyey inaan ahay basaas oo aan dalal cadow u ah Somaliland u shaqeeyo. Dhamaan Eedaymahaas oo dhan marka wax laga weydiiyana wuu ku haftaa oo meel na wuu saari waayaa, hadana madal kasta oo uu yimaado marka la dhaliilo wuxuu ka dhigtaa xumad jabin.
Waxa aan aad uga xumahay inaanu jirin sharci xaqayga I siinaya haddii aniga iyo Wasiir Cabdalle na loo garnaqo waana uur ku taaladda shacabka Reer Somalialnd iyo ka soomaaliyeed ba ka haysta Dawladdihii soo maray oo mar kasta xad gudubka ku dhaco uun Muwaadinka, masuul kuna uu noqdo Ceeb ka saliim.
Sida ay Xildhibaanadu u weydiiyeen su’aalaha, wasiir Cabdalle, wuxuu maamulaa wasaaradda ugu muhiimsan Somaliland, waxaana inagaga filan oo aynaan meel dheer ka doonayn innuu ku haftay hadalkiisa maanta oo uu ku sheegay khatarta Somaliland kulaalaysaa inay tahay Khilaafaadka Macdanta, waxaanu xusay inay Ajaaniib farabadani joogto. Marka wasiirkii qirayo Ajaaniibta joogta ee tirada badan ma Ajaaniibtaa khatar inagu ah mise garasho la’aantiisa innuu wax ka qabto ajaaniibtaas?
Cabdalle, inta uu xilka hayey laba jeer bay wasaaraddiisu soo saartay inay ajaaniibta dalka sharci darada ku joogtaa ka baxdo halkee bay ku danbeeyeen Amaradaasi. Ma kii maanta ina odhan lahaa baa Ajaaniib baa buurihii gashay. Oo buuruhu miyaanay ahayn kuwan Maraykan iyo Puntland ka saari kari la’yihiin ajaaniibta joogta. Ma anagaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa. GOOR MUU WAX KA QABANAYAA.
Wasiir Cabdalle, waxa uu maamulaa laabta Socdaalka, dhibta ugu badan ee Dalka ka jirtaana waa Tahriibka sharcidaradda ah. Ma waanu joogin Guddoomiye Xirsi markuu Madaxweynaha hortiisa ka lahaa maalin walba Hooyooyin caruurtoodii ma-gafe haysto ayaa xarunta iigu yimaada. Wasiir Cabdalle miyaanu ahayn kii wax ka qaban lahaa dhibaatadaas xisbigiisu qirayo, muxuu kaga soo meeraysa ayaa Saxaafadda.
Inta Xeer ee hortaala miiskiisa ee Dhaqan galka ahaa malaa wasiir Cabdalle hadduu ogyahay waajibaadyadda ay saarayaan ee aanu wali kala furin Golayaasha iyo Shacabka muu dhaliileen, waxaan Tusaale idiinka soo qaadayaa anigoo taxane idiinka dhigi doona baylahda hortaala xeerka ka hortaga Tahriibka sharcidarada ah iyo ka ganacsiga Dadka. Bal wasiiroow, intaadan isku qaadin Qar iyo Buur maalin ku qaado awaamiirta ay xeerarkaasi ku farayaan inaad qabato oo ay kow ka tahay inaad Dalka u samayso siyaasadda dadka sharcidarada ah aad ku dhaqi lahayd intaadan ku haraadin Raafka aan macnaha lahayn ee ay Hargeysa kaaga soo horaynayaan markaad wajaale gayso.
Hadalku yaannu ila taraarine in badan bay Dadku tuhunsanaayeen aamusnaantaydee kol haddii aad ku ekaan weyday Guurtiddii ina dhex gashay waxaan balanqaadayaa inaan xilka I saaran sidiisa u guto waad ka soo horaysiisay wakhtigii aan u qabtaye.


