Dawladda Somaliland Oo Ka Hadashey Weftiga Qaramada Midoobay Ku Tageen Laascaanood

0
23

Dawladda Somaliland Oo La Hadashey Weftiga Qaramada Midoobay Ku Tageen Laascaanood

Baraarugtv.com-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay booqasho uu wefti sare oo ka socda Qaramada Midoobay ku tagay magaalada Laascaanood.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa war-saxaafaddeed ay soo saartay ku sheegtay in dawladdu ay ka warqabto booqashada wafdiga Qaramada Midoobay, iyadoo caddeysay inay weli ka go’an tahay fududaynta gargaarka bani’aadantinimo ee loo fidinayo dhammaan bulshooyinka u baahan, oo ay ku jiraan dadka ku nool Laascaanood.

‎Hase yeeshee, Somaliland waxay Qaramada Midoobay xusuusisay in booqashooyinka saraakiisha sare ee hay’adda ee lagu tagayo goobaha xasaasiga ah ee dhinacyada siyaasadda iyo amniga ay tahay in lagu maro habraacyada diblomaasiyadeed ee rasmiga ah.

‎Dawladdu waxay sheegtay in booqashooyinka noocan ah loo baahan yahay in hore looga sii wargeliyo, lagana sameeyo wadatashi iyo isku-duwid rasmi ah oo lala yeesho Dawladda Somaliland.