Halista Saldhiga Maraykanka Ee &Magaalada Boosaaso Ma Waxay Noqon-doontaa Meel Laga Duqeeyo Laga Xuutiga Yeman?
Dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed iyo kuwa amni ee Mareykanku ka sameeyay Soomaaliya toddobaadyadii u dambeeyay waxay muujinayaan in Washington ay dib u eegis ku sameyneyso qaabka ay ula macaamileyso Soomaaliya, iyadoo xoogga saaraysa meelaha ay u aragto inay leeyihiin muhiimad istaraatiji ah.
Laba toddobaad gudahood, waxaa dhacay kulamo iyo booqashooyin isdaba joog ah oo ka kala dhacay Muqdisho, Kismaayo iyo Boosaaso, waxaana ugu dambeyn soo baxay heshiis iskaashi oo Mareykanku maanta la galay Puntland, kaas oo xoojinaya xiriirka amni ee labada dhinac.
Isbeddelkan ayaa kusoo beegmaya xilli Mareykanku uu dib u eegis ku sameeyay taageeradii uu siinayay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo taageerada saadka ee ciidamada Afrikaanka ah ee ka howlgala koonfurta Soomaaliya.
Halkaas waxaa ka muuqata kala duwanaansho u dhexeeya siyaasaddii hore ee Mareykanka oo ku dhisneyd taageeridda hay’adaha qaran iyo howlgalada caalamiga ah ee ka shaqeeya xasillinta Soomaaliya, iyo qaab cusub oo u muuqda inuu xoogga saarayo iskaashi toos ah oo lala yeesho dhinacyada uu Mareykanku u arko inay si gaar ah kaalin uga qaadan karaan amniga iyo danihiisa istaraatijiga ah.
Heshiiska cusub ee Mareykanka iyo Puntland wuxuu muujinayaa muhiimadda sii kordheysa ee uu Washington siinayo goobaha ku dhow marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.
Kadib heshiiska ay maanta kala saxiixdeen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Jen. Claude Tudor, waxaa la sheegay in la ballaarin doono iskaashiga amni iyo awoodda saldhigga Mareykanka ku leeyahay magaalada Boosaaso.
Boosaaso waxay leedahay muhiimad gaar ah sababo la xiriira, u dhowaanshaha Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab,isku xirka Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe, khatarta kooxaha hubeysan iyo tahriibka hubka ee gobolka.
Tani waxay la jaanqaadaysaa istaraatijiyado hore oo Mareykanku ka sameeyay meelo kale oo caalamka ah, halkaas oo uu mudnaan siiyay goobaha muhiimka u ah ilaalinta danaha amni iyo marinada ganacsiga caalamiga ah.
Sanadihii lasoo dhaafay, siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsaneyd, taageeridda Dawladda Federaalka,tababarka iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliya,taageeridda howlgalada Midowga Afrika iyo dagaalka ka dhanka ah AS.
Tusaale ahaan, Mareykanku wuxuu muddo dheer u arkayay howlgalada caalamiga ah ee Soomaaliya inay yihiin tiir muhiim u ah xasilinta dalka, isagoo dhaqaale iyo taageero militari siinayay ciidamada Afrikaanka ah.
Laakiin go’aamadii u dambeeyay waxay muujinayaan in Washington ay sii kordhineyso qaab ku saleysan,ilaalinta danaha amni ee tooska ah,xoojinta saaxiibbada maxalliga ah ee awoodda leh iyo joogitaan ciidan oo dabacsan oo ku saleysan baahida istaraatijiga ah.
Qaabkan waxaa lagu arkay siyaasadaha Mareykanka ee dalal kale sida Jabuuti, halkaas oo saldhigyada ciidamada Mareykanka ay muhiim ugu yihiin ilaalinta danaha gobolka Badda Cas iyo Bariga Afrika.
Dhaqdhaqaaq la mid ah ayaa laga dareemay Jubbaland, halkaas oo wafuus Mareykan ah oo dhinaca amniga iyo sharci dejinta ah ay booqdeen toddobaadkii hore.
Jubbaland waxay leedahay muhiimad gaar ah maadaama ay ku taallo xadka Kenya, isla markaana ay tahay deegaan muddo dheer ay ka dhacayeen dagaallo ka dhan ah AS.
Isku darka Puntland iyo Jubbaland wuxuu muujinayaa in Mareykanku fiiro gaar ah siinayo dawlad-gobolleedyada ku yaalla meelaha uu u arko inay leeyihiin qiime amni iyo juqraafi.
Inta ay socdaan dhaq-dhaqaaqyadan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu la kulmay Taliyaha AFRICOM, Jen. Dagvin Anderson.
Kulankaas kadib, Madaxweyne Xasan hadalladii uu jeediyay wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso sidii ay u gaari lahayd isku filnaansho dhinaca amniga ah.Si kastaba, lama shaacin hannaan cusub oo ballaarinaya taageerada Mareykanka ee Dawladda Federaalka, sidoo kalena ma jirin calaamad muujineysa in Washington ay dib u soo celisay taageeradii dhaqaale ee howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.
?
Isku darka tallaabooyinkan wuxuu muujinayaa in Mareykanku laga yaabo inuu ku jiro marxalad uu dib ugu qaabeynayo siyaasaddiisa Soomaaliya.
Haddii hore Washington ay xoogga u saari jirtay dhismaha hay’adaha qaranka iyo howlgalada caalamiga ah, hadda waxaa muuqata in ay sii kordhineyso iskaashi toos ah oo ay la yeelaneyso meelaha ay u aragto inay muhiim u yihiin amniga gobolka iyo danaha Mareykanka, xilli dawladda Mareykanka ee uu hoggaamiye Trump ay si cad usoo bandhigtay iskaashi walba inay ku bixinayso danaheeda, taasoo ah dhaqagelinta waxa Trump ugu yeer; marka hore tanta Mareykanka (America Firs).