Baraarugtv.com-Dagaalka Ethiopia ee xadka Sudan iyo Eritrea ka bilaabmay, waa silsilad foolanaysay oo saamayn ku yeelan doonta geeska. Ciidanka Sool la keenay, qorshaha xulafada ee Sanaag iyo gurxanka Awdal ka soo fufaya waa ifafaalaha qalalaasaha geeska. Walow aanay sida Xulafada dhagartu doonayaan aanay waxba u dhici doonin, haddana waa lamahuraan iskudaygoodu. Mar kasta se nasiibka ugu wanaagsan Somaliland ayaa ku yeelanaysa. Haayadaha Amniga ee kala duwani shaqo wanaagsan ayay qabteen, waxa se ciidanka ka muhiimsan muwaaddiniinta, oo Ciidanka qaranka ee dhabta ahi waa shacabka. Waayo, ciidanku waxa ay difaacaan waa dadka iyo dalka, dal kastana dadka ku nool ayaa iska leh.
Hadba inta lexejeclada dalkaagu tahay, ayay badbaadada dadkaaguna leekaanaysaa.
Hadba inta feejignaantaadu gaadhsiisan tahay, ayaa uu dhufayska difaacaaguna noqonayaa.
Laamaha nabadgelyada ee kala duwan inta aad ku xidhan tahay, ayay kalsoonidaaduna tamarinaysaa.
Fursadaha inaga lumay waxa ka badan farsamada ka burburtay isbahaysiga sharka. Waxa la isu soo bahaystay waa meeshaada iyo mustaqbalkaaga. Muwaaddin, inta aad ahayd shacab waxa ka badan inta aad tahay Askari.
maayirkii hore ee Burco herro.


