Xog Sir Ah:-Dawladda Faderaalka Soomaaliya Oo Habqarsoodiya Uga Wada Dhismaha Talis Cusub Laascaanood

0
2

Baraarugtv.com-Dowladda Federaalka ayaa qorshaynaysa inay Dowlad Goboledka Waqooyi bari ka daahfurto talis qaybeed cusub oo ay yeelanayaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Somali Stream ayaa ogaatay in taliskan cusub loo qorsheeyay inuu maamulo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Gobollada Waqooyi ee dalka.

Taliyaha Ciidanka Lugta ee CXD Jeneraal Khaalid ayaa maanta tegay magaalada Laascoon si uu dhammaystiro habraaca unkista taliska cusub ee ciidamada xooga dalka oo hoostegi doona Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.