Xaalad Noocee Ah Ayey Ku Nool Yihiin Qoyskii Faysan Bootaan Ee Ku Xidhan Laascaanood

0
10
Xaalad Noocee Ah Ayey Ku Nool Yihiin Qoyskii Faysan Bootaan Ee Ku Xidhan Laascaanood
Xaalad Noocee Ah Ayey Ku Nool Yihiin Qoyskii Faysan Bootaan Ee Ku Xidhan Laascaanood
Xaalad Noocee Ah Ayey Ku Nool Yihiin Qoyskii Faysan Bootaan Ee Ku Xidhan Laascaanood
Xaalad Noocee Ah Ayey Ku Nool Yihiin Qoyskii Faysan Bootaan Ee Ku Xidhan Laascaanood

Baraarugtv.com-Qoraalkan waxa baraha bulshada ku faafisay inan uu dhaley Taliyaha ku xidhan magaalada Laascaanood Faysal Bootaan oo lagu magacaabo Samsam Faysal Cabdi Bootaan.waxaanu u dhignaa sidan:-“Magacaygu waa samsam Faysal abdi bootaan waxan ahay mid ka mida caruurta uu dhalay Taliye faysal, mido 2 sanno iyo 8 bilood ah baa aabahay ku xidhan yahay magalada laascanood, qarankii somaliland ee abahay dirayska u xidhnaa difaacistiisana maanta xabsiga u mutay dowlada ka talisaa abaal gud waxay nooga dhigtay wax kasta oo anaga Hagar daamo nagu ah, in badan baanu ku xishoonay somaliland nimo iyo ehel nimo se xukumada somaliland maanta ka arimisa ee uu gadhwadeenka ka yahay , Madaxweyne Abdirahmaan ciro waxba nooma xeerin.

 

Markaan idin leeyahay waxba nooma xeerin igama aha calaacal iyo catow se waa garnaqsi iyo tanaasulka aan qarankan u tanaasul nay in badan.

 

Waxa hargeisa la keenay cid kasta oo somaliland kasoo horjeeday waliba si gaara aabahay af xumo iyo aflagaado ugu gaysatay, Sidoo kale waxa lasii daayey maxabiistii aabahay la darajada ahayd ee taliyayaasha ahayd iyadoo aan nalaga tallo iyo arin galin baanu ka war helnay social media, buuqii iyo dhibkii burco la dhacayna xukumada maanta joogtaa xabad iyo xabsi bay noogu dartay..

Wax walba oo dhacay waxaanu u liqnay somaliland waxay wax ku tahay tanaasul iyo wada dhalashee wax kastood tabanaysaan bal u kaadiya, 

Xukumadu waxay nosoo dirtay madax isugu kaayo sheegay in ay deegaanka aanu kasoo Jeedno matalaan oo aan tallo iyo awood mid na aan lahayn tawaawac mooyee.

Hadaba halkaa markay marayso waxan rabaa in fariintan ku cadeeyo raga hadhow soo tawaawici doona waxana leeyahay

Hadii caydii aabahay rag iyo dumar ba lagu abaal mariyey , maxabiistiina intii aad hore u bixiseen mooyee in tii kale na maanta go,aan ku gadheen in aad sii daysaan, Waa xujo aad na xujayseene anagana naga war suga.

-Waxa qortay #Zamzam_Faisal_Abdi_Bootan