Natiijo Noocee Ah Ayey Ku Danbayn-doontaa Doorashada Soomaaliya

0
35

Baraarugtv.com-Isbaahaysiga siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka ayaa kulumo gaar ah u bilaabanaya maalmaha soo aaddan kuwaasi iyaga aan la ogeen go’aanka natiijada ee kasoo bixi doonta.

Wahadalladii gudaha magaaladda Muqdisho ugu socday guddiyada farsamo ee ka kala socday dhinacyada mucaaradka ee isugu jira Golaha Mustaqbalka iyo garabka Nabad iyo Nolol iyo xubnihii ka socday Villa Soomaaliya ayaa noqday kuwa lagu hungoobay gaarista yoolka wada-xaajoodyada xilli Turkiga uu ay ku guuldareysteen in dhinacyada ay aad isugu soo dhaweeyaan qoddobada dooda ku saabsanaa wajiga Koowaad illaa wajiga Labaad ee maalmahaan socday.

Ismariwaa xooggan ayaa ka dhashay dhowrkii kulan ee ugu dambeeyay ee wajiga wada-xaajoodyada ee ka dhacaayay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho, taas oo keentay ugu dambeyntii in dhabarka la isku aadiyo oo lagu kala dareero.

Xogta ay heshay Diblomaasi.com ayaa tibaaxaysa in Muqdisho ay cagahooda ka qaadeen xubnihii guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka ugu tirsanaa maamullada Puntland iyo Jubbaland in Muqdisho ay cagahooda ka qaadeen kadib markii loogaga yeeray magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo kuwaasi dib u laabtay iyadoo aan jirin wax natiijo ah oo ay u sidaan Jubbaland iyo Puntland.

Halka xubnaha kale ee guddiyada farsamada ee Golaha Mustaqbalka iyo garabka Nabad iyo Nolol iyagana aan wax natiijo ka keenin wada-xaajoodkii ay kula jireen dhinaca Villa Soomaaliya oo ay Turkiga dhexdhexaadinaayeen.

Sida illo ku dhow Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay inoo sheegeen waxaa la isku mariwaayay wajigii Koowaad ee wada-xaajoodyada ee qabsoomay horraantii bishaan iyo sidoo kale wajiga Labaad ee wada-xaajoodyada ee haatan fashilmay qoddobo ay kamid yihiin in marka hore loo aqoonsado Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu hore u dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud inuu yahay aan sharci ku joogin isla markaana muddo xileedkiisii ku ekaa 15-kii Maay oo hadda laga joogo labo bilood.

dhinaca hanaanka doorashooyinka heer qaran iyo mida dowlad goboleedyadaba ay dhinacyada mucaaradka iyo saamileyda kale ee siyaasadda oo ay ku jiraan maamullada Puntland iyo Jubbaland heshiiska ay qeyb ka ahaadaan hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay kalsoonideeda iyo sharciyadeeda la isla leeyahay dalka uu aado waa doorashooyinka heer qaran. Dhammaan qoddobadaas iyo kuwa kale oo soo raaca ayaa ahaa kuwa aan hal natiijo laga gaarin sida ay xogta ku heshay Diblomaasi.com taasoo keentay in markale dhinacyadu ay dhabarku isku aadiyaan.

Xaalka haatan wuxuu u muuqda mid sii adkaanaayo waxaana geesta kale Turkiga ay ku fashilmeen si lamid ah bilo kahor wada-xaajoodyadii ay garwadeenka ka ahaayeen in markaana guul ka keenaan wada-xaajoodyadaasi oo markaan noqday kuwa dhicisoobay.

Howsha ayaa haatan u muuqata mid u wareegaysa saaxiibada kale ee reer Galbeedka oo ay ugu tun weyn yihiin Mareykanka, Xafiiska Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Ingiriiska, kuwaasi oo iyagana aan la ogayn doorka tallaabada ay qaadanayaan inkastoo bilo kahor ay si cad Villada ugu cadeeyeen haddii hannaanka doorashooyinka dalka laga heshiin waayo in ay qaadi doonaan dhowr tallaabo oo ay kamid tahay in la cunaqabateynaayo Soomaaliya oo laga joojinaayo taageeradda dhaqaalaha, in ay sameyn doonaan ka bixitaanka gudaha dalka gaar ahaan magaaladda Muqdisho iyo tillaabooyin kale oo waaweyn kuwaasi oo haatan Mareykanka uu si hordhacba uu u bilaabay.

Dhinaca kale, Golaha Mustaqbalka ayaa kulumo gaar ah u bilaabanaya maalmaha soo aaddan kuwaasi iyaga aan la ogeen go’aanka natiijada ee kasoo bixi doono. Laakiin Golaha Mustaqbalka ayaa hore u shaaciyay in doorasho kale oo u gaar ah iyaga dalka ka qaban doonaan dhisi doonaanna dowlad kale oo gaar ah.

xigasho Diplomatic