Israa,iil Oo Ciidan Ku Tababaraysa Gobolka Saaxil

0
4

Baraarugtv.com-Israa,iil oo tababar Ciidan kawada Gobolka Saaxil ee Somaliland iyo halista Xuuthiyiinta Yaman ee dadka reer Somaliland.Isra oo aqoonsatay Somaliland dhamaadkii sanadkii hore ayaa tababar Ciidan ka bilowday Horaantii biishii June ee sanadka deegaanka bulaxaar ee gobolka saaxil sida ay noo xaqiijiyeen ilo amni.

Tababarkan oo mid militari iyo kan ciidamada gaarka ah ee fuliya howlaha adag ayaa
Xalay iyo maanta deegaanka Bulaxaar waxaa laga maqlay dhawaaqa hubka culus oo lagu tababarayo Ciidanka.
Waa markii 4aad oo ay dadka deegaanka bulaxaar maqlaan hubka culus.

Somaliland ayaa diiday in laga hadlo waxa halkaas kasocda waxaana laga ilaaliyay in warbaahinta iyo dadka caadiga ah helaan xogta saxda ah ee halkaas kasocda.

Xarunta Sirdoonka ee magaalada Hargeysa ayaa 2dii bil ee ugu dambeeyay waxaa lagu qabtay 3 kulan oo qaar kamida saraakiisha dhexe ee Sirdoonka Somaliland lagu siinayay tababaro kookooban oo hababka Sirdoonka laxidhiidha.

Sida an kuhelnay xog kale 15kii bishii April ayaa waxaa isra loo qaaday 5 Sarkaal oo kamida Sirdoonka Somaliland kuwaas oo tababar Ciidan kusoo qaadanaya isra.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo amni 4 sarkaal oo yuhuudiyiin ah oo 3 kamida madoow yihiin ayaa booqday furimaha iyo talisyada Ciidanka Somaliland ee Gobolka Togdheer.

Ujeedada ayaa ahayd sida loo qiimeyn lahaa ciidamada Somaliland iyo goobaha lagu sameyn karo tababarada Ciidanka, 2 todobaad oo ay kusugnaayeen Talisyada Ciidamada ayay saraakiishaas kunoqdeen Hargaysa.

YHD oo kaashaneysa Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Berbera kawada dhismaha garoon diyaaradeed casri ah si ay ufududaadan howlaha ay halkaas kawadan.

YHD ayaa Gobolka saaxil oo Berbera laga xukumo u aragta goob istiraatiijiyadeed ee aad muhiim ugu ah howlaheeda.

Tababarka hada ay Yhda kawada deegaanka bulaxaar ayaa waxaa kamid isticmaalka diyaaradaha Drones-ka ee lagu fuliyo duqeymaha kaas oo ah mid ay Somaliland u aragta muhiimad weyn.

Ujeedada ugu weyn Yhda ka leedahay dekada berbera deegaanka ayaa ah istiraatiijiyada juqraafiyeed ee ay leedahay taas oo ufududeyn karta in ay helaan awood ay Gacanka baabul mandab saameyn ugu yeelan karta Yhda.

Kooxda Xuuthiyiinta oo gacan saaar la leh iran ayaa dhowr mar kuhanjabtay inay xidheysa Gacanka baabul mandab oo muhiim u ah isku socodka ganacsiga kaas oo siweyn usaameynaya Soomaaliya.

Xuuthiyiinta Yaman ayaa ku hanjabtay dhowr mar inay duqeyn doonto hadii Yhda ay Dhaqdhaqaaq kasameysa berbera iyo deeganada kuxeeran gacanka baabul mandab ee Somaliland.

Qatarta Xuuthiyiinta oo ah mid an la dhayalsan karin iyo qorshoyasha yhda kawada Somaliland ee madaxda Somaliland raaliga katahay ayaa dadka reer Somaliland u abuuri karo halis badan oo amni. iyada oo isticmaaleysa Somaliland waxaay dooneysaa in sida iran ay awooda ugu yeeshay Xuuthiyiinta Yaman ay sameysa awood geeska Afrika ah oo danaheeda didaacda si ay gacanta ugu dhigto Gacanka baabul mandab.

Horaanrii bishii hore ayaa waxaa soo baxday warbixino sheegaya in Yhda ay gujusyada quusa ay usoo dirtay xeebaha Somaliland taas oo markii damba ay beenisay.

Xogo amni ayaa sheegaya in Yhda ay bilaabi doonto tayeynta iyo tababarida ciidamada badda Somaliland.

Howlaha tayeynta, qaabeynta, Tababarka ee ay Yhda kawada Somaliland waxaay culeys kale oo amni kunoqon karaan deegaanada maamulka cusub uu kasameysmay ee Waqooyi Bari kuwaas oo siyaaba badan saameyn ay ugu yeelan karta.

Somaliland wali waxaay dhul ay leedahay utaqaana deegaanada maamulka waqooyi bari, qariirad dhowaan ay soo bandhigeen ayaa waxaa kasoo muuqday dhul kabaxsan waqooyi bari oo Puntland kamida sida magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

Sheegashada dhuleed ee deegaanadaas iyo arrimaha kasocda gudaha Somaliland ayaa siwada jir ah Qatar ugu abuuri karo waqooyi bari iyo Puntland oo hadda Gobolka sanaag qayba kamida kuwada murunsan.

qatarta cusub ee gobolka ee dadka reer Waqooyi Bari oo ah kuwa ugu dhow Somaliland ayaa ufududeyn karta Yhda iyo Somaliland in qatarta amni sare ukacda.

Geesta kale DFS oo awoodeeda ay kukooban tahay cambaareynta falalka isra ayaa ilaa hada sheeda kadaawaneysa howlaha socda.

DFS ayaa shacabka usheegtay in ay kuguuleysatay dedaaladeeda siyaasadeed iyada oo adeegsanaysa Midowga Afrika iyo carab kuwaas oo sheegay inay tahay in la ixtiraam midnimada Soomaaliya balse hadalkooda cidna dhag jalaq umasiinin.

Daljir Media