Xog Sir Khatar Ah:-yaa Ka Dambeeya Dagaalka Labada Beelood Ee Biciida Iyo Uduruxmiin Sanaag

0
49
Xog Sir Khatar Ah:-yaa Ka Dambeeya Dagaalka Labada Beelood Ee Biciida Iyo Uduruxmiin Sanaag
Xog Sir Khatar Ah:-yaa Ka Dambeeya Dagaalka Labada Beelood Ee Biciida Iyo Uduruxmiin Sanaag

Ceerigaabo,(Baraarugtv.com)-Dagaalka labada beelood shaley ku dhex-marey deegaanka buuralayda Xaysimo ee Gobolka Sanaag,ayaa la xaqiijiyey in dawladda Somaliland ay ka dambaysay dagaalka labada beelood Biciide iyo Uduruxmiin ee Muuse Abokor ka Soo wada jeeda xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo mid ka mid ah Madaxdhaqmeedka Somaliland rideen dagaalka.

Xog Sir Khatar Ah:-yaa Ka Dambeeya Dagaalka Labada Beelood Ee Biciida Iyo Uduruxmiin Sanaag
Xog Sir Khatar Ah:-yaa Ka Dambeeya Dagaalka Labada Beelood Ee Biciida Iyo Uduruxmiin Sanaag

Saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Booliska Jsl Somaliland,militeriga iyo sirdoonka Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo,,ayaa u sheegay Warbaahinta Red Sea Intelligence TV in isku-dhaca dagaalka labada beelood ee Biciide iyo Uduruxmiin ee Habarjeclo uu ka dambeeyay Agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta iyo Tamarta Somaliland Shucayb oo uu dhaley Boqorka Cismaan Buurmadow,isla markaana Saraakiisha ayaa sheegsy in qorshahan Madaxaweyne Cirro u Soo dhiibay Agaasimaha Shucayb iyo Aabihii Boqor Buur Madow oo ka soo jeeda Beesha Biciide,iyadoo damaca xukuumadda Cirro wadato tshey nidaam ay doonayso in ay kula wareego buuraha dahabka laga gurto ee Gobolka Sanaag,Isla markaana bulshada ka gurata  dahabka buuraha Sanaag iyo deegaano ka mid ah Galbeedka Somaliland Laga gacan maroojiyo dadka ka qota buuraha dahabka ay xukuumadu dejisay qaabkii cid gaar ah kooto loogu xidhi lahaa buuraha dalka Somaliland.

Sarkaal kale oo isna ka tirsan ciidanka xuuraanka ka hawl-gala gobolka Sanaag oo ka gaabsadey in magaciisa aanu sheegno sababa la xidhiidha in warkan saameyn ku yeesho amaankiisa ayaa yidhi sidan. “Waxa jiray qorshe sanadkii ugu dambeeyay xukuumadu ka shaqaynaysay,gaar ahaan madaxtooyadu ku doonaysay qaabkii ay dhamaan gacanta ugu dhigi laheyd ama ula wareegi laheyd buuraha dahabka Laga qodo.markaa waxay doonaysaa in iyadu iibiso meeshana laga saaro dadka dahabka qodanaaya bari iyo galbeed-ba.arrintan markii madaxweynaha Cabdiraxmaan Cirro iyo Jaamac Gaamush kaligood ayaa watey qorshahan, ka dib waxa u muuqatey in lagu wareejin Karin Amar digreeto ,haddii Wasaaradu soo saarto ama Cabdiraxmaan Cirro,taasoo sababtey in talaabada la isku diro beelaha looga warergay, dadka deegaanka leh ee buuraha hogaga dahabka,haddii madaxweynuhu ama wasaaradda macdantu soo saarto,taasoo u muuqatey xukuumadda in kacdoon ka dhalan karo dadka ka shaqaysta dahabka.”Ayuu yidhi mid ka mid ah ha,yada sirdoonka  dawlada Somaliland UGA hawl-gala Gobolka Sanaag.

“Madaxweyne Cirro iyo Jaamac Gaamush waxay isticmaalayaan habka mukhaadaradka reer Galbeedka oo kale.Sababta Boqor Buur Madow innankiisa looga dhigay Agaasimaha macdanta waxa weeye wuxuu si hoose wakiil u yahey shirkado qarsoodi ku gurta dahabka ayuu rag jayniis ah dahabka iyo macdan kale dalka ka gurtasn Shucayb Buur Madow.waa qaabkii loola wareegilahaa buuraha  bariga dhulka Somaliland gaar ahaan Sanaag.Beesha Muuse Abokor ee habarjeclo iyo beelaha Habaryoonista bariga degta Sanaag ee Muuse Ismaaciil ayaa iyaguna ku Jira la doonayo in rag qoyska Madaxweynaha ah ee Muuse Cabdale ayaa wada qorshe kula wareegan Dahabka Buuraha Muuse Ismaaciil ee sanaag. waxa la doonayaa in marka beeluhu isku dilaan dahabka la yidhaahdo labadiinaba waanu idinka wareejinay oo xukuumadda ayaa la wareegtay dhulka buuraha dahabka, arrinka kaliya ee ay u arragtey in dhulka dahabka Lagula wareegi karto.dadka qota dahabka ayaa loo socdaa in la yidhaahdo markii aad isku disheen xukuumadda ayaa la wareegtey. Dagaalka ka socda Xaysimo waa marshuuc ay fulinayaan rag Ilmaadeer yihiin Badhasaabka Sanaag ee Bansabuur Biciide.”Ayuu yidhi Askari militeriga sanaag ka tirsan oo ka cudur daartey in magaciisa sheegno sababo la xidhiidha amaankiisa oo u waramey Red Sea Intelligence TV

Askari Booliska Ceerigaabo oo isna la gaabsadey magaciisa,arrimo la xidhiidha saameyn ku yeesho warkan ayaa isna yidhi “Labada beelood ee shaley is-ku dilay buurta Xaysimo Sanaag ee Biciide iyo Uduruxmiin  waxa ka dameeya dagaalkooda Boqor Cismaan Buur Madow  wiil uu dhaley oo ah Agaasimaha guud wasaarada macdanta ,taasoo madaxweyne Cirro kaligood kula heshiiyey in saami siiyo Buur madow,sidaa awgeed was arrin lagula wareegayo khayraadka beesha Habarjeclo,isagoo Buur madow uu doonayo innuu qoyskiisa iyo isagu la wareego Buuraha dahsbka,kaasoo dawladda shisheeya ah lacago ku soo siiyeen.”

Waxa uu intaa sii raaciyey oo uu yidhi “Madaxweyneynaha Cabdiraxmaan Cirro heshiis macdaneed ayuu israa,iil la Soo galey,isaga iyo inaadeerkii Jaamac Gaamush.markaa qoyska Cabdiraxmaan Cirro iyo rag woyskiisa ah ayaa Israa,iil heshiis qarsoodi ah la soo galey oo macdanta.dagaalka waxa ka danvaysa xukuumada,ka ay soo adeegsateyna was buur madow iyo inankiisa Shucayb oo qayb la siinayo Buuraha Dahabka beesha Habarjeclo dagaalkan iyo kuwa kale oo soo socda,waxa weeye qasbkii lagula wareegi lahaa khayraadka beesha  Muuse Abokor ee Gobolka Sanaag.markaa Boqor Buur Madow,inankiisa Shucayb iyo badhasaabka sanaag oo beesha Biciide ah ayaa Friday dagaal beesha UDuruxmiin.”

Geesta kale,Badhasaabka Gobolka Sanaag oo aanu khadka telifoonka gacants kula xidhiidhay si aanu wax uga waydiino warkan,nasiib daro was nalaga qaban waayeen isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cabdale Sandheero,taasoo mushkilada ugu weyn ee xukuumada Cirro ayaa ah xukuumad xidhiidh iyo masuuliyiin garaneyn shaqada loo igmadey iyo maamul xumo weyn.

kala soo xidhiidh email baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

email