Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Madaxweyne hore muuse biixi oo taxay wadamada islaamkaa ee Cadawga ku ah somaliland. Wargeyska ka soo baxa Jerusalem ee magaciisa la yidhaa Jerusalem Post wareysi uu ka qaadey madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wuxu wareysiga oo ahaa khadka Internet-ka ku sheegey laba qodob oo muhiim ah.Muuse Biixi Cabdi wuxu yidhi. “Somaliland qaran-nimadeeda iyo inay dalalka aduunka ee xorta ka mid noqoto waxa hortaagnaa muddo 35 sannadood ah muslinka gaar ahaan Masar, Sucuudiga, Turkiga, iyo Iiraan. Waxa kale oo uu tibaaxey in dowladda Israa’iil oo kaliyii ay soo faqi karto Somaliland ama ay awood u leedahay inay inaga difaacdo cadow islaamka”;
Muuse Biixi wuxuu intaa sii raaciyey oo uu yidhi”ma jirto diin, quraan iyo xadiis noo diidaya in aanu heshiis la saxeexano Israa’iil oo aanu danahayaga ka raadsanno iyo safaarad aanu ka furano Qudus iyo masaajidka barakeysan agtiisa”.


