
#Beesha Fiqishini ee Hawiye,ayaa dacwad ka dhan ah Maamulka Waqooyi bari ee Laascaanood ka gudbiyey ciidanka Beesha Dhulbahante Khaatumo

RSI TV-Aqoonyahanka Beesha Fiqishi ee Habargidir ayaa dacwad caalami ah ka gudbiyay Maamulka Woqooyi-bari.
Beelaha Fiqishini ayaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ka codsaday in baadhitaan madax-bannaan lagu sameeyo xasuuqii 22-kii June ka dhacay deegaanka Adhi-caddeeye.
Nuxurka qodobbada ku xusan dhambaalka loo diray beesha caalamka, oo ay saxeexeen ehelada dadkii lagu laayay deegaanka Adhi-caddeeye, ayaa lagu dalbaday:
1. In la sameeyo baaritaan madax-bannaan, dhexdhexaad ah oo degdeg ah oo lagu baarayo dhacdooyinkii Adhi-caddeeye.2. In la ilaaliyo oo la ururiyo dhammaan caddeymaha, sida markhaatiyaasha, sawirrada, muuqaallada iyo caddeymaha kale.3. In si rasmi ah loo xaqiijiyo khasaaraha, oo ay ku jiraan dadka la dilay, dhaawacyada, barakaca iyo burburka hantida rayidka.
4. In lala xisaabtamo cid kasta oo lagu helo mas’uuliyadda dilalka, burburinta hantida iyo xadgudubyada kale.
5. In la baaro doorka iyo masuuliyadda Maamulka Woqooyi-bari, gaar ahaan eedeynta ku saabsan ku guuldarraysiga ilaalinta shacabka.6. In la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo shacabka si looga hortago dhacdooyin kale.7. In dhibbanayaasha iyo qoysaskooda la siiyo gargaar bani’aadannimo, caddaalad iyo magdhow ku habboon.
#RSI TV

