Boosaaso(Baraarugtv.com)- ku dhawaad 20 gaari oo ah baabuurta dagaalka oo ay kujiraan labo Ambulance oo ah Cutubyo katirsan Ciidanka PMPF kana soo kicitimay Boosaso ayaa galabta soogaaray Garoowe.Ciidankaan ayaa ku soo beegmaya Xili Saraakiisha Ciidanka PUNTLAND oo amar ka haysta Madaxwayne Deni ay qorsheeyeen in ay WEERAR ku qaadaan Ciidanka uu hogaamiyo Taliye Jimcaale oo kusugan duleedka Garoowe (Xerada Ligle) sida ay saraakiil katirsan Ciidanka Puntland u xaqiijiyeen Dunida Online.


