Xarun Qaliinada Wadnaha &Carruur Reer Somaliland Ah Oo Jooga Israa,iil

0
72

Sreal,(Baraarugtv.com)- ‘

Save a Child’s Heart (SACH) waa hay’ad bani’aadannimo oo fadhigeedu yahay dalka Israel, Ujeeddadeeda loo aasaasayna waxa weeyi badbaadinta nolosha carruurta qaba xanuunnada wadnaha ee halista ah, iyada oo aan loo eegin midab, diin, qowmiyad ama arrimo siyaasadeed midna.

Tan iyo markii la aasaasay, Hay’adda Save a Child’s Heart (SACH) waxa ay gacan ka geysatay bedbaadinta kumannaan carruur ah oo ka kala yimid dhammaan daafaha dunida, halkaana loogu sameeyey qalliinno iyo daaweyn casri ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa waxa soo dhaweeyey masuuliyiinta iyo dhakhtarrada Hay’addu. Intii uu ku guda jiray booqashada dalka Israa’iil, 8 carruur ah oo reer Somaliland ah ayaa loo soo qaaday Xarunta Save a Child’s Heart (SACH), laguna sameeyey qalliinno xagga Wadnaha ah oo lagu guulaystay, halka carruur hore oo reer Somaliland ah xaruntan hore loogu qalay.

Madaxweynuhu waxa uu si dareen leh u booqday carruurta reer Somaliland ee Dhakhtarkan lagu qalay iyo Waalidiintooda, isaga oo Alle SWT uga baryey in uu caafimaad taam ah siiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si qoto dheer ugu mahad naqay maamulka iyo dhakhaatiirta Xarunta Save a Child’s Heart hawlaha bini’aadannimo ee ay wadaan, gaar ahaan bedbaadinta Carruurta Somaliland iyo caruuraha kale ee dunida ee aan awoodin balse u baahan qalliin xagga Wadnahana ah.

Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee xarunta waxa ay muujinaysaa muhiimadda iskaashiga bani’aadannimo iyo caafimaad ee labada dhinac, gaar ahaan badbaadinta nolosha carruurta Somaliland ee u baahan daryeel caafimaad oo takhasus gaar ah iyo farsamo sare leh.

(),