Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa ka ambabaxay Islamabad

0
77

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa ka ambabaxay Islamabadisagoo gudbiyay qorshahooda nabadeed‼

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa intii uu booqashada ku joogay Pakistan la wadaagay saraakiisha milatariga Pakistan mowqifka Tehran ee lagu joojin karo dagaalka.

Waxaa la sheegay in Tehran ay Pakistan u gudbisay qorshe guud oo nabadeed, kaas oo ka kooban aragtiyo iyo qiyaaso ku saabsan sida colaadda loo soo afjari karo.

Inkasta oo Aqalka Cad uu ergo u diray goobta, Iran ayaa mar kale xaqiijisay inaysan si toos ah ula xaajoon doonin Mareykanka.

Wasiir Araghchi ayaa la filayaa inuu safarkiisa diblomaasiyadeed ka sii wado Oman iyo Ruushka, kadib markii uu ka ambabaxay Islamabad.