Dabarka Soo Goostey Masuul ka tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya Oo Macsumaad Loogu Samaynayo Hargeysa

0
102

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Todobaadkan ugu dambeeyay ee aynu ku jirno waxa ku sugan Magaalada Hargeysa Gudoomiye Goboleedka Af-Soomaaliga ee (AGAH) Siciid saalax .

Casuumado kala duwan, ayaa loogu sameeyey Hargeysa waxaanu kulamo la qaatey masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay gudoomiyaha Xisbiga Waddani,isla markaana maanta oo khamiis ah waxa qado sharaf u sameeyey mid ka mid ah ganacsatada waa-weyn ee Somaliland.
Soomaaliya waxay dagaal nololeed oo toos ah kula jirtaa shacabka Somaliland iyo jiritaankooda Dawladnimo mana jirto sabab masuul ka tirsan Dawlada Muqdisho uu ugu sugnaado gudaha Somaliland.

Siciid saalax oo ah Gudoomiyaha Akaadamiga af-Soomaaliga ee AGAH ma jirto meel uu isku casiley waana masuul wali ka tirsan Dawlada muqdisho waxaanu Todobaadyadii u dambeeyey uu ku sugan yahay magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland oo bulshada ugu dhaaratay inay daacad ka noqoneyso hogaaminta dalka ,Midnimada Somaliland iyo jiritaanka bulshadan ayaan illaa hadda ka hadal ujeedka uu masuulkani u joogo Hargeysa maadama oo uu xil ka hayo Dawlada dunida ugu neceb somaliland ee Muqdisho.
Siddee u arragtaa habka dhuumashada ah ee Cabdiraxmaan Cirro ku wado Somaliland?
#RSI TV

email baraarugnews@gmail.com