Dawladda Soomaaliya Oo Cadeysay In Dhamaan Gacanta Ku Hayso Hawada Soomaaliya Iyo Somaliland

0
118

Muqdisho(Baraarugtv.com)-Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macalin Xasan ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan kobaca duulimaadyada hawada dalka iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo kaabayaasha duulista Soomaaliya.Balse Wasiirka Duulista Somaliland Fu,aad ayaa la qaatey siistamka iyo nidaamka Ii-fiisaha Eviza ee dawladda faderaalka Soomaaliya Xassan Kheekh.

Maareeyaha ayaa sheegay in xilligaan ay hawada Soomaaliya maalin kasta isticmaalaan qiyaastii 500 oo diyaaradood, isagoo xusay in dowladda ay hiigsanayso in tiradaas la gaarsiiyo 1,000 diyaaradood muddo 24 saac gudahood ah.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in hadafkan lagu gaari karro oo kaliya marka dalku helo garoon diyaaradeed oo casri ah, kaas oo dabooli kara baahiyaha sii kordhaya ee duulimaadyada.

Axmed Macalin Xasan ayaa si gaar ah u iftiimiyay caqabadaha adag ee ka jira garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

“24 saac gudahood hawada Soomaaliya waxaa isticmaala 500 diyaaradood, intaasi tirada waa ka kordhi laheyd balse garoonkeenna Aadan Cadde ayaan u diyaarsaneyn.” – ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macalin Xasan.

Maareeyuhu wuxuu intaas ku daray inkastoo hawada Soomaaliya ay tahay mid mashquul ah haddana culeyska dhanka dhulka ah ee garoonka uu hortaagan yahay in la kordhiyo tirada diyaaradaha isticmaala hawadeena.Si xal loogu helo caqabadaha dhanka kaabayaasha, Maareeyaha Hay’adda Duulista ayaa shaaca ka qaaday in xalku yahay dhismaha garoon cusub oo caalami ah. Garoonkan ayaa qorshuhu yahay in laga hirgeliyo aagga xeebta gobolka Shabeellaha Dhexe.

#RSI TV

email baraarugnews@gmail.com