Baraarugtv.com-Xukuumadda uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa wajahaysa hadal hayn bulsho oo xooggan oo la xidhiidha eedo musuq maasuq.

Wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in qaar ka mid ah masuuliyiinta xilalka ka haya xukuumadda ay dhisteen guryo qaali ah oo loo yaqaan (G+1), kuwaas oo lagu qiyaasay qiimahoodu inuu u dhexeeyo $150,000 ilaa $180,000.Dhanka kale, sharci yaqaan Guuleed Dafac oo ka hadlay arrintan ayaa tilmaamay in saddexdii xukuumadood ee ugu dambeeyay, ay tan hadda jirta kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa—sida uu hadalka u dhigay.Arrintan ayaa sii hurinaysa doodda ku saabsan hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, iyadoo weli aanay jirin jawaab rasmi ah oo faahfaahsan oo xukuumaddu ka bixisay eedahan.
email caarshe7@hotmail.com baraarugnews@gmail.com



