Maxay Tahey Guddida Wasaaradaha Caddaaladda Uu Magacaabey Maanta Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan?

0
76

Maxay Tahey Guddida Wasaaradaha Caddaaladda Uu Magacaabey Maanta Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

(RSI TV-) I’m”‎Guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee WADDANI, Mudane Xirsi Cali X. Xasan ayaa maanta magacaabay Guddida Wasaaradaha Caddaaladda, Diinta & Awqaafta iyo Warfaafinta.
‎‎Magacaabistan ayaa ka dambaysay daraasad iyo tixgelin qoto dheer oo lagu sameeyey baahida loo qabo in la xoojiyo wada-shaqaynta ka dhexeysa xisbiga iyo hay’adaha dawladda, gaar ahaan Wasaaradaha kor ku xusan. Sida oo kale, waxa lagu saleeyey qodobbada kala duwan ee xeerarka xisbiga, xeerka nidaamka axsaabta siyaasadda iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland!
‎‎Guddidan cusubi waxa ay muhiim u tahay isku xidhka shaqada xisbiga iyo xukuumadda, isla markaana waxa ay door muuqda ka qaadan doontaa wacyigelinta bulshada, difaaca siyaasadaha xisbiga iyo talo-siinta hay’adaha ay khusayso.
‎‎Guddidan waxa loo xilsaaray in ay qabataan hawlo ay ka mid yihiin:
‎1. Xog-iswaydaarsiga iyo isku xidhka Xisbiga iyo Xukuumadda.
‎2. Difaaca iyo faafinta aragtiyaha iyo siyaasadaha xisbiga.
‎3. Talo-siinta iyo toosinta wasaaradaha ay shaqadoodu khusayso.
#‎Warbaahinta Baraarugnews