Hargeysa(Baraarugtv.com)-Madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,ayaa ka digay Saldhig military oo uu sheegay in Israa’iil ka samaysanayso Somaliland.
Wargeeska Addis Standard ee ka soo baxa Etoobiya ayaa tabiyay in Madaxweynaha markii lixaad la doortay ee Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ka digay suurtagalnimada in dawladda Israa’iil saldhig militari ka dhisanayso Berbera, isagoo sheegay inay halis ku tahay xasilloonida Geeska Afrika.
Wuxuu Israa’iil ku eedeeyay inay ka faa’iidaysanayso arrinta aqoonsiga Somaliland, halka uu si adag u dhaliilay Imaaraadka Carabta (UAE), isagoo ku tilmaamay inay yihiin “albaabka Israa’iil ka soo gasho gobolka”.
Geesta kale, Dawladda Somaliland ayaa hore u beenisay arrinta saldhiga military, iyadoo marar badan ku cel-celisay inanu jirin Saldhig military oo ay ku badesheen Aqoonsiga Israa’iil ay siisay.
Baraarugtv.com
email baraarugnews@gmail.com



