Kacaanka Iiraan iyo Maraykanka, yaa tanaasul sameyn kara?

0
94

Pakistan,(Baraarugtv.com)-wafdiyada Iiraan iyo Mareykanka waxay ku sugan yihiin dalka Pakistan,Isla markaana qof walbana wuu arkay shuruudaha labada dhinac iyo farqiga weyn ee u dhexeeya. 

Kacaanka Iiraan waxay wadataan ilaa 10 shuruudood, halka Mareykanka uu wato qiyaastii 15 shuruudood.

-Kacaanka Iiraan iyo Maraykan, yaa tanaasul sameyn kara?

Maxaa laga yaabaa in Iiraan ka tanaasusho?

Waxaa suuragal ah inay Iiraan wax yar ka dabacdo arrimaha Hormuz, sida in aysan si buuxda u xakameyn marin-biyoodka ama ay yareyso lacagaha ay rabto.

Waxaa kale oo laga yaabaa inay oggolaato kormeer dheeraad ah oo nukliyeer ah, si ay u hesho in si deg deg cunaqabateynta looga qaado.

Laakiin si cad, Iiraan ma oggolaan doonto in si weyn loo dhimo gantaalladeeda taasi waa khad cas.

Maxaa laga yaabaa in Mareykanka ka tanaasulo?

Waxaa suuragal ah inuu aqbalo qaadista qayb ka mid ah cunaqabataynta, si tartiib tartiib ah.

Waxaa kale oo laga yaabaa inuu ka dabco arrinta Lubnaan, inkastoo uu hadda diidan yahay in lagu daro heshiiska.

Laakiin Mareykanka ma oggolaan doono in Iiraan si buuxda u xakameyso Hormuz ama ay sii wadato barnaamijkeeda nukliyeerka oo aan xad lahayn.

Halkee ayay isugu soo dhowaan karaan?

Cunaqabataynta iyo barnaamijka nukliyeerka waa meesha ugu weyn ee heshiis laga gaari karo.

Xabbad-joojin ku-meel-gaar oo sii socota si loo bilaabo wadahadal dheer

Tallaabooyin is-daba joog ah (step-by-step) halkii hal mar wax walba lagu heshiin lahaa

Qiimeyntayda;

Haddii labada dhinac mid kasta uu ku adkaysto halka uu hadda jooga, markaa in wada-hadallada wax natiijo ah laga gaaro waxay ka hooseynayaan 30%.

Haddii ay bilaabaan tanaasul , markaa waxaa jiri karta fursad 50% in wada-hadallada ay guuleystaan.

Balse, haddii cadaadisyo caalami ah ay kordhaan , markaa waxaa jiri karta fursad weyn oo ka badan 60% in natiijo la gaaro.

Iiraan ayaa u dhow inay hesho faa’iidada ugu badan haddii heshiis la gaaro.

Sababta;

Iiraan waxay raadineysaa nafis degdeg ah
Cunaqabataynta ayaa dhaqaalaheeda dhaawacday muddo dheer. Haddii xitaa qayb yar laga qaado waa guul weyn.Sidoo kale in loo fasaxo hantideeda balaayiinta dollar ee horey loo xannibay , waa lacag degdeg ah oo soo galaysa.

Mareykanka wuxuu doonayaa wax adag

•In la xaddido nukliyeerka

•In la joojiyo gantaallada

•In la yareeyo saameynta Iiraan ee gobolka

Kuwani waa arrimo aad u culus, oo aan si fudud loo hirgelin karin, oo u baahan wada-hadallo waqti dheer ah, waana sababta aan kugu sheegay faa’iidada deg deg ah inay heli karto Iiraan.

Iiraan waxaa la jira waqtiga , sababtoo ah dagaal dheer Mareykanka uma roona dhaqaalihiisa iyo siyaasadba. Kororka qiimaha shidaalka iyo xirnaashaha marin-biyoodka Hormuz waa cadaadis joogto ah.

Waxaa kaloo ay Iiraan ogtahay mar kale inuu waqtigu caawinayo, sababtoo ah taageerrada dibadda ay ka helayso xilliyada xabbad-joojinta, sida kaalmada mar horaba la sheegay Shiinaha inuu billaabay in uu gaarsiiyo Iiraan, waxay Iiraan siinaysa kalsooni.

Laakiin Mareykanka ma wuxuu wajahi karaa khasaare?

Maya, wuxuu heli karaa:!

Deganaansho ku meel gaar ah, xilli Trump cadaadis badan uu ka haysto gudaha Mareykanka , in la furo marinka Hormuz ayaa suuqyada dejin karta, waxa kale ee wadahadallada socda uu ka heli karo waa in laga baaqsado dagaal weyn.

Si fudud , faa’iidada Mareykanka waa xasilooni, halka Iiraan ay heli karto nafis dhaqaale iyo sharciyeyn saameynteeda.

Trump ayaa sidoo kale doonaya wada-hadallada Iiraan inuu ka helo heshiis ka wanaagsan midkii Obama uu la gaaray Iiraan ee markii dambe Trump uu ka baxay, wallow niyad-jab laga muujinayo xubnaha uu wadahadalka usoo dirsaday Trump iyo Obama dadkii wada-hadallada ku matalayay oo khuburo u badnaa, halka Trump ganacsado iyo qaraabadiisa ay wadahadalkan ku matalayaan, taasoo shaki galinaysa heshiiskii Obama oo kale inuu Trump helo.

Ugu dambeyntii, wadahadalladani waa kuwo aad u adag, sababtoo ah labada dhinac waxay difaacayaan arrimo istaraatiiji ah, waxaase cad
labaduba dagaal dheer ma rabaan, taas ayaana rajada ugu weyn ah.

email baraarugnews@gmail.com