Dekedda Magaalada Berbera Oo Walaac Iyo Xaalad Khatar Ah Hadheysay Maanta

0
106

Dekedda Magaalada Berbera Oo Walaac Iyo Xaalad Khatar Ah Hadheysay Maanta

Berbera,(Baraarnews)-“Madaxwayne, waa wakhtigii aqoontu shaqayn lahayd, Codsiga Reer Berbera ee Dekeda naga aqbal.

Aqoonyahan Abdisalan Muse Guuleed waa shaqsiga ugu habboon ee maanta hoggaamin kara Maamulka Dekedda Berbera. Waa nin leh aqoon qoto dheer oo Supply Chain Management ah, taas oo laf-dhabar u ah horumarinta logistics-ka iyo kobcinta dhaqaale ee dekedda.

Sidoo kale, wuxuu leeyahay khibrad caalami ah oo uu ku soo shaqeeyey meelo kala duwan, taas oo ka dhigaysa inuu si hufan u maamuli karo, una casriyeyn karo dekedda Berbera si ay ula tartanto dekedaha caalamka.

Madaxwayne, Reer Saaxiil codkoodu waa cad yahay.

Waxay kaa codsanayaan inaad fursad siiso aqoonyahan Abdisalan Muse Guuleed si uu u horseedo isbeddel dhab ah oo Dekedda Berbera gaadhsiin kara heerka xiga.Go’aankaaga maanta, waa horumarka berri ee Gobolka Saaxil iyo Guud ahaan Soomaaliland.W:Q: Aqoonyahan. Maxamed jamac faraxoffice email Caarshe7@hotmail com or baraarugnews@gmail.com