Daahir Riyaale Oo Su’aal Waydiiyey Muuse Biixi Jabhadda Cidda Ka Dambaysa?

0
67

“Waar Inamadda Qoryaha Qaatey Jabhadda, Buuqa Iyo Qaylada Ka Socota Hargeysa,Muuse Biixi Ayaa Ka Dambeeya Ayaa La Leeyahey Ee Maxaa Ka Jira Muusow? Daahir Riyaale

Daahir Riyaale Oo Su'aal Waydiiyey  Muuse Biixi Jabhadda Cidda Ka Dambaysa?
Daahir Riyaale Oo Su’aal Waydiiyey Muuse Biixi Jabhadda Cidda Ka Dambaysa?

Dubia(RSI TV)-Madaxweynayeyaashii hore ee Somaliland Muuse Biixi iyo Daahir Royale,ayaa ku kulmay magaalada Dubia ee Imaraadka Carabta.Isla markaana waxa la sheegay inay ka wada-hadleen habka uu u maamulayo dalka Somaliland Madaxweynaha xilka haya ee Cabdiraxmaan Cirro.

“Waxaan maanta kulan gaar ah ku wada yeelanay magaalada Dubai ee dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta Madaxweynihii 3-aad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin. Waxaanu iska xog-waraysanay xaaladaha kala duwan ee dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland.”Ayuu Yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Geesta kale,Ilo wareedyo lagu kalsoon yahey ayaa u sheegay warbaahinta Red Sea intelligence in Daahir Royale la kaftamey Muuse Biixi,kaasoo ku yidhi waar Muuse buuqa iyo qaylada ka socota Hargeysa iyo Goboladii galbeedka ma adiga ayaa ka dambeeya?sidaa ayaa la leeyahey ee maanta xanta ku jirta suuqa ee ka waran arrinkaa?

Warki wuxuu intaa ku darayaa in Muuse Biixi u sheegay in aaney waxba ka jirin oo aanu lug ku laheyn ragga qoryaha qaatey ee jabhada in ay yihiin qaar adigu abaabushay,ayaa la sheegay in Riyaale waydiiyey Muuse Biixi Su,aal u dhacaysay,sidan.

Ilo-wareedyada ayaa tibaaxay in Muuse Biixi ku jawaabey,kuna dooday in La-taliyaha Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee Ismaaciil Yare ka dambeeyo ragga ka soo muuqday baraha bulshada ee muuqaalka soo duubay iyagoo qoryo sita iskuna sheegay inay yihiin jabhad.

Dhanka kale,,Ilo-wareedyo ka madax-bannaan macluumaadka Muuse Biixi,ayaa RSI TV u sheegay in Ismaaciil Yare sababta uu u saarey jabhada ay tahey siddii uu ku helilahaa magacaabista kursiga Wasiirka arrimaha gudaha in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu jagadaasi ugu magacaabi lahaa,xilkana looga qaadi lahaa wasiirka arrimaha gudaha Cabdale Maxamed Carrab(Cabdalle Sandheere).

Waxa la sheegay in Ismaaciil Yare tan iyo intii jabhada hubaysan ay ka soo muuqdeen baraha bulshada Ismaaciil Yare qaadey olole ka dhan ah in isaga loo magacaabo Wasiirka arrimaha gudaha,xilkana looga qaadi lahaa Cabdalle Sandheere.Isla markaana waxa la sheegay in Ismaaciil yare ku yidhi Cabdiraxmaan Cirro iyo masuuliyiin beesha Garxajis ah inamadan yar-yar,Salaadoontan iyo dadkan warbaahinta ka qaylinaaya ee ka soo jeeda beeshiisa Sacad Muuse,isagu cagta marinayo talaabana ka qadayo,soona xidhxidhayo,laakiin in loo magacaabo jagada Wasiirka arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro,wakhti xaadirkan kabayn culus ku qaadey Ismaaciil Yare,siddii xilka wasiirka arrimaha gudaha looga qaadi lahaa Cabdale Sandheere.

#RSI TV@

baraarugnews@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com