“Dhaqaalihii Dalka Oo Gaadhay Meel Aanu Gaadhin Intii Ay Jirtay somaliland….”

0
235

Burco,(Baraarugtv.com)-Safarka Guddomiye Xirsi ee Gobolada Bari iyo meeqaamka lagu qaabilay waxa uu astaan u yahay sida umadda Somaliland ugu bislaadeen is-beddelka.

“Dhaqaalihii Dalka Oo Gaadhay Meel Aanu Gaadhin Intii Ay Jirtay somaliland. Godoon…”
“Dhaqaalihii Dalka Oo Gaadhay Meel Aanu Gaadhin Intii Ay Jirtay somaliland. Godoon…”

Waxa muuqata in dabayshii is-bedel doonku ay ku baahday dhamaan Gobollada Somaliland wax la qarin karo maaha rabitaanka shacabka somaliland ay ku doonayaan is-badalka ka dib markii ay ku hungoobeen xukuumada hadda talada haysa oo muddo 7-sano ah uu hogaaminayay m/waynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee muuse biixi

Mana jirto meel maanta umadda somaliland u bad-qabta haddii la eego umaddii walaalaha ahayd oo ay kala fogaysay oo u baahan in dib loo mideeyo

Dhaqaalihii dalka oo gaadhay meel aanu gaadhin intii ay somaliland jirtay go’doon siyaasadeed oo Xukuumaddani dalka galisay iyo fulin la’aanta ballamihii ay umadda u qaaday oo noqday hal bacaad lagu lisay sareyntii sharciga ee maxdaxwayne Muuse Biixi iyo xisbigiisa kulmiye ololaha ku galeen 2017 oo waxba kama jiraan noqday.

Umadda reer Somaliland ee uu madaxweyne Muuse Biixi markii ay doorteen 2017 ugu abaal celiay waxa aydun eedi doontaan fartiina ballan qaadka kaliya ee uu m/waynuhu mudadaa 7-da sano ah uu fuliyayna waa in umadda somaliland ay fartooda eedeen sidii uu u ballan qaaday

Sidaa darteed dhamaan gobolada somaliland waxa ka socota dabaysha is-badal doonka oo aynu ilaahay ka rajaynayno inuu nabad-qab inagu gaadhsiiyo.

Waxa qoray Xoghaye Yoonis xisbiga Waddani

Xoghayaha cadaalada xisbiga waddani Yoonis ahmed Yoonis