“Waxaanu Ku Arragnay Waxyaabo Aanu Layaabnay Gudaha Dekedda Magaalada Berbera!!

0
38

Berbera (Baraarugtv.com)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Jawhar Siciid Warsame iyo Wafti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku tegay  Gobolka Saaxil,gaar ahaan Dekedda Magaalada Berbera, ayaa Sheegay inay arkeen waxyaabo Soo jiitay naftooda Gudaha Dekedda Berbera. Isla markaana kormeerka shaqo ee ku tageen Gudaha Dekadda Berbera,ay maamusho shirkadda Dp World.


Wasiirka ku-xigeenka iyo Xubnaha la socday ayaa Kormeerka ay ku tageen Dekedda Weyn ee Berbera ku  qiimeynayey shaqooyinka ka socda dekedda iyo siday u kala socdaan adeegada hawlaha shaqooyinka dekeddu,taasoo qayb Ka tahey  waxyaabaha Laga dhoofiyo iyo alaabooyinka laga soo dejiyo dekedda Berbera.
“Waxyaabo Aanu la yaabnay Oo Soo jiitay naftayda Ayaanu ku Arragnay Gudaha Dekedda Magaalada Berbera.waxa aad noo Soo jiitay shaqada wanaagsan ee Ka socda iyo habka masuuliyiinta Dekedaha iyo shaqaalaha.markii aanu Gudaha u Soo galnay dekedda Berbera Waxaanu moodnay inaanu joogno caalam kale.runtii Dekedda Berbera waxay heshay mareeye Aqoon leh Oo garanaaya maamulka iyo shaqada uu u hayo qarankiisa iyo shacabkooda Eng Siciid Xassan Cabdilaahi iyo mareeye ku-xigeenka.
mareeyaha Siciid Xassan tiimka uu gadhwadeenka iyo odayga u yahey iyo hawl-wadeenada Dekeddaha dalka Somaliland waxay qabteen arrin weyn Oo Maanta guul iyo farxad u shacabka Reer Somaliland.Mareeyaha Eng Siciid Xassan Cabdilaahi Oo aanu Maanta ku Soo booqaney,isagoo ku jira shaqadiisii uu qaranka u hayey xafiiskiisa ee gudah dekedda Berbera,waxaan ku bogaadinayaa in Maanta talaabo weyn Oo waxqabad aad qabatey intii aad xilka haysay.hirumarka,maamul wanaaga iyo adeegyada Shaqo iyo habka maamul ee aanu Arragnay aad iyo aad Ayaanu ugu faraxnay runtii.nidaabka Shaqo ee aanu ku Soo Arragnay Dekedda Berbera waata aynu adduunka ku Soo jiidanay Maanta.”Sidaa ayuu yidhi Wasiirka ku-xigeenka Wasaaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Johar.
Dhinaca kale,Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng. Siciid Xassan Cabdillaahi iyo hawl-wadeenada Dekedda Berbera,ayaa Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee
Ka midka ahaa waftiga waxay warbixino Ka Siiyeen adeega iyo shaqooyinka Ka socda Dekedda Berbera iyo Dekeddaha kale ee somaliland,sidda maydh ee Gobolka Sanaag.
Email office baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com