“Waxaa farxad noo ah in walaalkay 20 kadib xorriyaddiisa helay..”

0
405

ILAAHAY BAA MAHAD LEH.
[ Qoraal yara dheer, balse nuxur nafhurnimo xambaarsan].
W/q Cabdiqaadir Saalax Iidle

Qoys ahaan, maanta waxaa farxad gaar ah noo ah in Walaalkay Daauud Saalax Iidle oo muddo ku dhow 20 sanno xidhnaa uu dib u helay xorriyaddiisii. Duruuf kasta & dedaal kasta oo aanu hore u bixinnay sidii uu caddaalad u heli lahaa hore walaalkay uma uu helin, balse maanta ayaa ALLE qaddaray in uu soo baxo isaga iyo 4ka mid ah saaxiibadiisii ay muddada wada xidhnaayeen.

Qiimo weyn bay noogu fadhidaa in Daauud xorriyaddiisii helo, waxaa nagu dhacday qoys ahaan in Daa’uud oo xidhan HOOYADAY iyo CURADKII Qoyskayaba ay ku dhinteen shil gaadhi iyaga oo booqasho ugu tagay Daauud oo ku xidhnaa berigaa Xabsiga Berbera 2007kii, sida oo kale Daa’uud oo xidhan waxaa ALLE oofsaday Aabahay oo u geeriyooday qalliin uu ku galay Manhal Hospital 2015kii, qof kasta waa uu dareemi karaa qiimaha uu nagu joogo in uu walaalkayo dibedda u soo baxo, xorriyaddiisana helo.

Walaalkay waa shakhsiyad caan ku ah samafalka iyo wanaag fidinta, waxa uu ahaa Maamulihii Xaruntii Agoomaha Somaliland ee Alxarameyn ka hor inta aan la xidhin, qisada xadhigiisa dad badani waa ay ka dheregsan yihiin oo waxa ay la xidhiidhay falal dhacay 2004tii, laakiin kaliya waxaa waajib ahayd in marka uu xadhigiisa dhammeysto uu helo xorriyaddiisa, ku dhawaad 6 sannadood ayuu Xabsi muddo dhaaf ah ku jiray, QADDAR baa ka qornaa in halkan la isla soo gaadho, waayo dedaal kasta oo bani aadam bixiyo waanu gelinnay sii deyntiisa.

Daa’uud sii deyntiisa marka laga yimaaddo dedaalka aanu qoys ahaan gelinnay, waxa aanu garab istaag weyn ka helnay Siyaasiyiin waaweyn, Madax dhaqameed xurmo leh, Ganacsato maalqabeen ah, Samafalayaal diranayaal ah, Culimo wax ku ool ah, Hay’ado ka shaqeeya Xuquuqal Insaanka, Saxaafad madax bannaan iyo dadyow qubane ah oo si iskood ah wax noola qabanayey.

Waxa aan si gaar ah u xusi karaa, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo dedaal weyn ku bixiyey sii deyntiisa, Suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo Suldaan Cabdiraxmaan Good, Caaqil Cabdikariim Jaamac Faarax, Beeldaaji Maxamed Jaamac Daadey, Ganacsade Axmed Cabdillaahi Dalab oo inta ay ka nasteen arrinka Daauud uu yaraa, sida oo kale waxaa jiray Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo iyaguna dedaal ka bixiyey arrintan markii ay Qabiiladu ula tagtay oo uu ugu horreeyo Wasiir Siciid Sulub, ugu dambeyn waxaanan Ilaawi karin Madax dhaqameedka iyo Haldoorka Beesha aan ka soo jeedo ee Garxajis- Sacad Yoonis oo si nafhurnimo leh u dedaalay intii karaankoodii ahayd.

Qofnimada Daauud dad badan oo waayaha Xabsiga ay ku walaaloobeen baa ka marag kacaya, dad badan oo ay soo wada shaqeeyeen baa qiraya, waxaa markhaati dhow kuugu filan in maxbuus kasta oo Xabsiga dhexe ee Hargeysa ay ku kulmeen walaalkay uu kaaga marag kacayo hoggaaminta iyo hayinnimada ninkaas ku jirta oo ay ila soo xidhiidhi jireen badankoodu, dad badani waxa ay igula kaftami jireen hoggaamintiina ka xabsiga ku jira, iyo kiinna dibedda joogaba ma u dhalashaa?

Kartidiisa iyo qofnimadiisa, waxa uu waxbarashadiisa Jaamacadeed ku dhammaystay Xabsiga dhexdiisa, waxa uu mas’uulka koowaad ee Maxaabiista iyo Ciidanka asluubta u dhaxeeya, waxa uu isku xidhe ka ahaa barnaamijka waxbarasho ee ay ka fuliso Jaamacadda Beder oo iyadu hal-abuurnimada in Maxaabiista heer jaamacadeed wax loo baro dedaal weyn ku bixisay.

Waligey arrinkiisa baraha bulshada kuma qorin, sida oo kale waligay Tv-yada kamaannaan hadal, sababtuna waxa ay ahayd waxa aan xurmeynaynay cidda howsha nala wadday oo ahayd dadyow macno leh oo u qalma in la tashi iyo tusmaba la weydiiyo, annigu waxa aan si xooggan u rumeysnaa in uu xorriyaddiisa maalin uun heli doono, balse annaga ay na faran tahay in aaanaan ka daalin doonistaas, waayo waxa aan xoog u rumeysanahay in aan qofna dhiilada iyo dhibta ku waareyn oo maalin uun faraj helayo.

Waxaa jira dadyow badan oo aanan rabin magacyadooda in aan xuso anniga oo ilaalinaya in dunida waayo badani danbeeyaan oo arrinkan carqalad weyn nagaga haye, dhib badana noo geystay, god kasta oo aan arrinka ninkan odayga ah aan ka saarnana u dhaqaaqayey in ay sii ribdhaan, dadkaasi waxa ay isugu jireen mas’uuliyiin iyo shacaba, balse waxaa ilaahay mahaddii ah in ay qaddarka baajin kari waayeen oo ay cadceeddu ku soo baxday iyada oo kulul, waa naga cafis waxna uma qabno maanta.

Ugu dambeyn waxa aan u mahadnaqayaa Madaxweynaha JSL oo isagu garwaaqsaday in Daauud iyo saaxiibadiiba ay muteysteen in la sii daayo, la cafiyo isla markaana ay noloshoodii caadiga ahayd dib u bilowdaan.

Abdulkadir Eidleh.